Axad, December 16, 2012 (HOL) — Kooxo hubeysan ayaa laba qof oo qoxooti ah xalay siyaabo kala duwan ugu dilay xerada IFO oo ka mid ah xeryaha qoxootiga ee ku yaalla deegaanka Dhadhaab ee dalka Kenya, iyadoo booliisku ay sheegeen inay baxsadeen kooxihii dilalkan geystay.
Mid ka mid ah labada qof ee la dilay ayaa la sheegay in lagu toogtay dukaan uu ku lahaa xeradaas, kaddib markii halkaas ay ku weerareen kooxo hubeysan, qofka kale ee la dilay ayaa isagana la sheegay in kooxaha hubeysan ay ku weerareen goob uu ku sugnaa ayna caloosha ka toogteen.
"Dhibbanayaasha waxaa midkood lagu dilay dukaankiisa, midka kalena goob uu ku sugnaa ayaa lagu weeraray dhowr xabbo ayaana caloosha looga dhuftay, daqiiqado kaddibna wuxuu u dhintay dhiig-bax," ayuu yiri ruux u warramay booliiska Kenya.
Saraakiisha booliiska waxay sheegeen inaysan jirin cid loo qabtay falalkan oo sare u qaadaya xaaladaha amni-darro ee ka jira xeryaha qoxootiga Dhadhaab oo tan iyo sannadkii hore soo jiitamayay, waxaana xeryahaas ku jira dad ku dhow nus malyuun oo u badan Soomaali.
"Ma jirto cid loo xiray weli falkan, balse waxaa socda baaritaanno tilmaamo ayaana haysannaa," ayuu yiri Philip Tuimur oo ah taliyaha booliiska gobolka Waqooyi-bari ee dalka Kenya. Waxaana wararku ay sheegayaan in xaaladda xeryuhu deggen tahay.
Weerarkan lagu dilay labada qof ee qoxootiga ah ayaa wuxuu imaanayaa xilli hal qof lagu dhaawacay miino ka qaraxday xeryaha qoxootiga Dhadhaab oo xilligaas laga qaybinayay kaararka doorashooyinka dalka Kenya ka dhacaysa sannadka soo socda.
Sidoo kale, weerarkan wuxuu imaanayaa xilli ay dowladda Kenya amar ku bixisay in Soomaalida qoxootiga ah iyo kuwa magan-galyo doonka ah ee ku sugan magaalooyinka waaweyn ee Kenya ay ku laabtaan xeryaha qoxootiga Dhadhaab.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
Kooxo hubeysan oo siyaabo kala duwan laba qof ugu dilay Xeryaha Qoxootiga Dhadhaab ee Dalka Kenya
More News
- Madaxweynaha Somaliland oo galabta u kicitimay Jabuuti iyo maxkamadda Gobolka Hargeysa oo ansixiyey natiijaddii xildhibaanadda cusub
- Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya oo Ansixiyay Qorshe-Howleedka ay ku shaqeynayaan 2013 iyo 2014
- Shirkad Cusub oo Dhoofin Doonta Muuska oo laga Furay Magaalada Muqdisho ee Xarunta Soomaaliya (SAWIRRO)
- Dadweyne Taageersan Xidhibaanno la sheegay inay ku hareen doorashooyinka oo Mudaharaad ka dhigay Hargeysa
- Madaxweynaha Soomaaliya oo safarkiisii labaad ugu kicitimaya Jabuuti
- Kenya oo Dadka aan Sharciga lahayn ugu Baaqday inay ku Laabtaan Xeryaha Qoxootiga Dhadhaab iyo Kaakumo
- Bam-gacmeed xalay lagu weeraray saldhigga dhexe Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose
- Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya oo Ufuroow ka sameystay Fariisimo iyo Cabsi ka jirta Diinsoor