3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 16, 2012
Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya oo Ufuroow ka sameystay Fariisimo iyo Cabsi ka jirta Diinsoor

Axad, December 16, 2012 (HOL) — Ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku sugan gobolka Bay iyo kuwa Itoobiya ee caawinaya ayaa fariisimo ka sameystay gudaha iyo daafaha degmada Ufuroow, iyadoo cabsi weynna ay ka jirto degmada Diinsoor oo 17-km u jirta Ufuroow.

Goobjoogayaal ku sugan degmada Diinsoor ayaa sheegay in xoogaggii Al-shabaab ay intooda badan isaga baxeen degmadaas, ayna ku baxeen dhinaca jidka aada Muqdisho, waxaana dadka degmadaas ku nool ay sheegeen inay cabsi weyn hayso.

"Xoogaggii Al-shabaab way isaga baxeen degmada Diinsoor, cabsi weyn ayaana jirta, waayo lama oga sida uu noqon doono isbedelka la filayo inuu dhaco," ayuu yiri goobjooge magaciisa qariyay oo ku sugan Diinsoor.

Maamulka Gobolka Bay iyo saraakiisha dowladda ayaa labaduba sheegay in ciidanka dowladda iyo kuwa Itoobiya ay ku wajahan yihiin degmada Diinsoor si degmadaas ay uga saraan gacanta Al-shabaab.

Xarakada Al-shabaab kama aysan hadlin ka bixixtaankeeda degmada Diinsoor, balse maalin ka hor ayay isaga baxeen degmada Ufuroow oo isla gobolkaas ka tirsan, iyadoo ay si nabadgalyo ah kula wareegeen degmadaas ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya.

Dhanka kale, wararka laga helayo degmada Ufuroow ayaa sheegaya in ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya ay fariisimo ka sameysteen gudaha iyo daafaheeda degmadaas, iyadoo sidoo kalena ay ciidamadu ka billaabeen halkaas howlgallo lagu sugayo ammaanka.

Gobolka Bay ayaa wuxuu ka mid yahay gobollada ay sida aadka ugu hardamayaan ciidamada dowladda Soomaaliya oo gacan ka helaya kuwa Itoobiya iyo xoogagga Al-shabaab oo sannadihii ugu dambeeyay ka talinayay gobolkaas oo dhan.

Degmada Buurhakaba iyo Diinsoor ayay xoogagga Al-shabaab kaga sugan yihiin gobolka Bay, iyadoo haddii laga qabsado labadaas degmo ay noqonayso inaysan Al-shabaab ka talin degmo ka mid ah gobolka Bay.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
12/16/2012 10:55 AM EST
Axad, December 16, 2012 (HOL)- Madaxweynaha Somaliland Iyo Wefti balaadhan oo uu Hoggaminayay, ayaa galabta u kicitimay dalka Jabuuti si uu uga qeyb gallo shirka madaxeedka horumarinta Af-soomaaliga ee PEN oo lagu soo casuumay Madaxweynaha Somaliland.

12/16/2012 7:10 AM EST
Axad, December 16, 2012 (HOL) — Xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta cod aqlabiyad ah ku ansixiyay qorshe howleedka ay labada sano ee soo socota ku shaqeyn doonaan, iyadoo saddex mudane oo ka mid ah kuwii kulankaas soo xaadiray ay diideen qorshaha.

12/16/2012 6:49 AM EST
Axad, December 16, 2012 (HOL) —Xaflad xarig looga jaray shirkad lagu magacaabo Fruitsome oo soo saari doonta islamarkaana dhoofin doonta Muuska ayaa maanta ka dhacday Hotelka Ambassador ee Magaalada Muqdisho.

12/16/2012 6:35 AM EST
Axad, December 16, 2012 (HOL) — Kooxo hubeysan ayaa laba qof oo qoxooti ah xalay siyaabo kala duwan ugu dilay xerada IFO oo ka mid ah xeryaha qoxootiga ee ku yaalla deegaanka Dhadhaab ee dalka Kenya, iyadoo booliisku ay sheegeen inay baxsadeen kooxihii dilalkan geystay.

12/16/2012 5:48 AM EST
Axad, December 16, 2012 (HOL) — Mudaharaad balaadhan, ayaa ilaa maanta ka socday xaafaddo ka tirsan magaaladda Hargeysa, gaar ahaan waqooyiga magaaladda, kuwaas oo diidan kala bedel lagu sameeyey xildhibaanaddii soo baxay ee golaha deegaanka, kuwaas oo xildhibaankii ay taageerayeen oo soo baxay lagu bedelay xidhibaanno kale oo marki hore la sheegay inay hadheen.

12/16/2012 5:47 AM EST
Axad, December 16, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qorsheynaya inuu safarkiisa labaad ku tago dalka Jabuuti maanta oo Axad ah, halkaasoo uu uga qaybgeli doono bandhigga buug afka Soomaaliga ah oo ka dhacaya magaalada Jabuuti.

12/16/2012 1:53 AM EST
Axad, December 16, 2012 (HOL) — Dowladda Kenya ayaa ugu baaqday dadka aan sharciga lahayn ee magangalyo doonka ah iyo kuwa qoxootiga ah inay ku laabtaan xeryaha Qoxootiga ee Dhadhaab iyo Kaakumo, iyadoo sheegtay in qorshahan uu ka mid lagu adkeynayo ammaanka Kenya.

12/16/2012 1:24 AM EST
Axad, December 16, 2012 (HOL) —Bambaanooyin kuwa gacanta laga tuuro ah ayaa xalay lagu weeraray saldhigga dhexe ee magaalada Kismaayo halkaas oo fariisin u ah ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Raaskaambooni.