4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 16, 2012
Bam-gacmeed xalay lagu weeraray saldhigga dhexe Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose
Axad, December 16, 2012 (HOL) —Bambaanooyin kuwa gacanta laga tuuro ah ayaa xalay lagu weeraray saldhigga dhexe ee magaalada Kismaayo halkaas oo fariisin u ah ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Raaskaambooni.

Sida ay noo xaqiijiyeen goobjoogayaal ku sugan xaafadda Calanleey oo ah halka uu weerarka ka dhacay, xalay fiidkii ayay kooxo hubeysan weerar bambaano loo adeegsaday ku qaadeen saldhigga magaalada Kismaayo, waxaana ciidamadii goobta ku sugnaa ay rideen rasaas fara badan.

Banbaanooyinka saldhigga lagu weeraray ayaa ku dhacay afaafka hore ee xarunta, waxaana la sheegay in aysan jirin wax khasaarooyin ah oo ay geeysteen.

Saraakiil katirsan ciidamada dowladda oo ku sugan magaalada Kismaayo ayaa shabakadda HOL u sheegay in aysan jirin cid wax ku noqotay weerarkaasi, waxayna sheegeen in uu ahaa weerar fuleynimo ah, islamarkaasina ay wadaan baaritanno lagu ogaanayo kooxihii ka danbeeyay.

Ilaa imika lama garanayo ciddi ka danbeeysay weerarkaasi mana jirto cid sheegatay masuuliyadiisa.

Dhinaca kale ciidamada dowladda iyo kuwa Raaskaambooni ayaa weerarka kadib magaalada kusoo rogay bandow, waxayna howlgallo ballaaran ka sameeyeen qeybo katirsan xaafadaha ku dhow dhow saldhigga, walow aysan jirin cid howlgalladaasi lagu qabtay.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya