3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 2 , 2012
Dastuurka KMG Soomaaliya oo Mamnuucay Gudniinka Fircooniga ah ee Haweenka iyo Aragtiyo kala duwan oo laga bixiyay
Khamiis, Ogoosto 02, 2012 (HOL) — Dastuurka KMG Soomaaliya oo shalay aqlabiyad lagu ansixiyay ayaa wuxuu dambi ka dhigayaa gudniinka fircooniga ah ee haweenka, iyadoo lagu tilmaamay gudniinkaas inuu la mid yahay jidil loo geysanayo haweenka.

Gudniinka fircooniga ah ayaa si weyn looga isticmaalaa Soomaaliya, iyadoo aan la ogeyn sida uu uga hirgeli karo Soomaaliya, maadaama ay ay dadka Soomaaliyeed u arkaan inay muhiim tahay in haweenka la gudo.

Sidoo kale, dastuurka ayaa wuxuu ogolaayaa in caruurta Soomaaliyeed inta ay ka gaarayaan 15-sano ay helaan waxbarasho lacag la'aan ah, qodobbada sida weyn looga hadlay ee dastuurka ku jira ayaa waxaa ka mid ah, in qofku uu ku qaan-gaari karo 18-sano taasoo ay aad uga biyol diidan yihiin culummada Soomaaliyeed.

Dasturka ayaa waxaa aragtiyo kala duwan ka bixiyay aqoonyahanno, culummo iyo dadweyne kala duwan, waxayna qaarkood ku tilmaameen mid aan u qalmin dalka halka kuwo kalena ay ku tilmaameen inuu yahay mid Soomaaliya u horseedaya nabad iyo horumar.

Guddoomiyaha Majmaca culummada Soomaaliyeed, Sheekh Axmed Cabdi Dhicisoow ayaa ku tilmaamay dastuurka mid aan ka tarjumayn diinta islaamka, isagoo xusay in diyaarintiisa ay gacanta ku hayeen dad aan islaam.

Madaxda Soomaalida ayaa sheegay in dastuurka uu yahay mid wanaagsan oo looga baxayo xilliga KMG ah, iyadoo madaxweynaha Soomaaliya oo ka hadlayay xirtaankii shirka ansixinta dastuurka uu sheegay in xubno beesha caalamka ka socda ay u sheegeen in dastuurkan uu ka mid yahay 25-ka dastuur ee dunida ugu horreeya.

Dhanka kale, dastuurka waxaa soo dhaweeyay maamullada dalka ka jira oo dhan sida Puntland iyo Somaliland, balse waxaa diiday oo kasoo horjeestay Xarakada Al-shabaab oo ku tilmaamay dastuur ka horimaanaya diinta Islaamka.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya












Click here
8/2/2012 4:46 PM EST
Khamiis, August 2, 2012 (HOL) - Waxaa maanta xarigga laga jaray labo kamid ah jidadka waaweyn ee magaalada Boosaaso kuwaas oo bilihii u danbeeyey dayactirkooda lagu howlanaa.

8/2/2012 10:00 AM EST
Khamiis, Ogoosto 02, 2012 (HOL)- Dawladda Hoose ee Degmadda Boorame waaxdeeda Fayo dhawrka ayaa hawlgal ay ka sameeyeen bakhaaradda magaaladaasi ku soo ururiyey Badeecado wakhtigii isticmaalkoodu dhacay oo la iibinayey.

8/2/2012 8:30 AM EST
Khamiis, Ogoosto 02, 2012 (HOL) — Maamulka Somaliland ayaa guul ku tilmaamay ansixinta dastuurka KMG ah ee Soomaaliya oo shalay lagu ansixiyay Muqdisho, iyagoo sheegay inuu fududeyn karo in Soomaaliya ay dhibaatada ka baxdo.

8/2/2012 8:29 AM EST
Khamiis, Ogoosto 02, 2012 (HOL) — Dablay aan la aqoonsan ayaa xalay bambaano ku weeraray guriga maayarka ama guddoomiyaha degmada Laascaanood ee gobolka Sool, Faarax Cabdi Yare.

8/2/2012 7:28 AM EST
Khamiis, Ogoosto 02, 2012 (HOL) — Kooxo hubeysan ayaa baqonimadii maanta ku toogtay degmada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, Inj. Cali Xaaji Shirwac iyadoo kooxaha dilka geystay ay u suurogashay inay ka baxsadeen goobta.

8/2/2012 6:40 AM EST
Khamiis, August 02, 2012 (HOL) - Allaha naxariistee marxuum Cabdi Jeylani Malaaq "Marshaale" ayaa si weyn loogu aasay magaalada Muqdisho ayada oo dad aad u farabadan ka soo qayb-galeen aaskiisa.

8/2/2012 4:29 AM EST
Khamiis, Ogoosto 02, 2012 (HOL) — Taliyaha nabadsugidda gobolka Banaadir, Col. Khaliif Axmed Ereg ayaa saakay ka badbaaday qarax miino oo la doonayay in lagu qaarijiyo, iyadoo saraakiisha dowladdu ay sheegeen inay qaraxaas u qabteen hal qof.

8/2/2012 4:12 AM EST
Khamiis, Ogoosto 02, 2012 (HOL) — Shirkadda isgaarsiinta Hormuud oo ka mid ah shirkadaha isgaarsiinta ee ka howlgala Soomaaliya ayaa waxay shalay ugu deeqday matoor weyn oo dab-dhaliye ah isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho.

8/2/2012 4:00 AM EST
Khamiis, Ogoosto 02, 2012 (HOL) — Guddoomiyaha degmada Huriwaa, Cumar Jacfaan oo la hadlay saxaafadda ayaa ku eedeeyay ciidamada dowladda KMG ah inay dhac, dil iyo kufsi ka geystaan degmadaas, isagoo ka dalbaday mas'uuliyiinta dowladda inay ka hortagaan falalka ay ciidamadu ka geysanayaan degmadaas.

8/2/2012 4:00 AM EST
Khamiis, Ogoosto 02, 2012 (HOL) — Dowladda Puntland ayaa si weyn u soo dhoweysay ansixinta dastuurka cusub ee dalka oo shalay 01-08-2012 ergooyinkii loo xil saaray ay cod aqlabiyad leh ku meel mariyeen.

8/2/2012 3:51 AM EST
Khamiis, Ogoosto 02, 2012 (HOL) — Xarakada Al-shabaab oo dagaal kula jirta DKMG ah iyo AMISOM ayaa sheegtay in ergadii ansixisay dastuurka KMG ah ee Soomaaliya ay ugu xukuman yihiin dil toogasho ah, iyadoo taas sabab uga dhigtay inay meel-mariyeen dastuur ay sheegeen inuu diinta Islaamka kasoo horjeedo.