Khamiis, Ogoosto 02, 2012 (HOL) — Maamulka Somaliland ayaa guul ku tilmaamay ansixinta dastuurka KMG ah ee Soomaaliya oo shalay lagu ansixiyay Muqdisho, iyagoo sheegay inuu fududeyn karo in Soomaaliya ay dhibaatada ka baxdo.
Wasiirka arrimaha dibadda ee Somaliland, Maxamed Cabdullaahi Cumar oo BBC-da la hadlayay ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin howlaha dib loogu dhisayo dowladda Soomaaliya, isagoo ku eedeeyay DKMG ah inay faragelin ku hayso Somaliland.
"Marka ugu horreysay aad ugu faraxsannahay howlaha Qaran dhiska ah ee ka socda Soomaaliya ayna ku sameynayso shuruucda iyo haya'daha Qaranka si ay nabadgalyada dalkeeda u xasiliso, waayo in badan waxaa ka taagnayd Soomaaliya amni-darro iyo xukuumad la'aan," ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda ee Somaliland.
Sidoo kale, wasiirku wuxuu sheegay inay jiraan arrimo ay u arkaan faragelin toos ah oo lagu hayo Somaliland, kuwaasoo uu xusay inay ka mid yihiin ergooyin la sheegay inay ka socdaan Somaliland oo ka qaybgalaya shirarka ka socda Soomaaliya iyo in qodobbo ka mid ah dastuurka ay taabanayaan xuduudaha gobollada dalka.
"Arrimahaas waxaan u aragnaa inay yihiin fargelin toos ha oo lagu hayo Somaliland, waxaana ugu baaqaynaa Soomaaliya, beesha calamakan aan u sheegaynaa in la joojiyo arrintaas, waxay keeni kartaa carqalad iyo amni-xumo hor leh oo ka dhacda geeska Afrika" ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda ee Somaliland.
Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland, wuxuu sheegay in Somaliand ay tahay dal madaxbannaan oo ku dhisan sharciyo, dastuur iyo golayaal qaran, arrimihiisana wuxuu u maamushaa si gaar ah, inkastoo aysan helin aqoonsi caalami ah, isagoo ku baaqay in dowladda Soomaaliya ay madaxbannaanidooda ixtiraamto.
Dhanka kale, wasiirku wuxuu soo hadal qaaday wadahadallada u dhexeeya DKMG ah ee Soomaaliya iyo Somaliland, isagoo sheegay in wadahadalladaas dib u billaaban doonaan dowladda cusub ee la dhiso, isagoo xusay in wixii wadahadala ka baxsan ay u arkaan inay yihiin faragelin, ayna faragelintu keeno colaad.
Ugu dambeyn, wasiirku wuxuu sheegay inay xusuusinayaan ergooyinka la sheegay inay ka socdaan Somaliland oo ka qayb-galay shirarka ka socda Soomaaliya inuu ka jiro Somaliland sharci sheegaya in si sharciga ka baxsan aysan cidna u meteli karin shacabkan, cidii lagu helo arrintaasna sharciga ayaa lagu qaadayaa.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
Somaliland oo guul ku Tilmaamay Ansixinta Dastuurka KMG Soomaaliya ee shalay lagu Ansixiya Magaalada Muqdisho
More News
- Maamulka Boosaaso oo xarigga ka jaray labo waddo oo laami la saaray
- Maayarka Boorame oo Badeeco dhacday ka soo ururiyey Bakhaarro ay ku keydsaney (SAWIRRO)
- Dastuurka KMG Soomaaliya oo Mamnuucay Gudniinka Fircooniga ah ee Haweenka iyo Aragtiyo kala duwan oo laga bixiyay
- Guriga Guddoomiyaha Degmada Laascaanood oo bam lagu weeraray iyo Barakacayaal baaq u diray Somaliland
- Kooxo bastoolado ku hubeysan oo Bartamaha Degmada Baladweyne ee Gobolka Hiiraan ku toogtay Injineer caan ah
- Marshaale oo si weyn Arbacadii loogu aasay magaalada Muqdisho (Daawo Sawirada & Videoga)
- Taliyaha Ciidanka Nabad-sugidda Gobolka Banaadir oo ka badabaday Qarax miino oo la doonayay in lagu Qaarijiyo
- Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud oo Matoor dab-dhaliye ah ugu deeqday Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho
- Guddoomiyaha Degmada Huriwaa oo sheegay in Ciidamada dowladda ay ka geystaan degmadaas dil, dhac iyo kufsi
- Madaxweynaha Dowladda Puntand oo si weyn u soo dhoweeyay Ansixinta Dastuurka Qabyada ah ee dalka Soomaaliya
- Xarakada Al-shabaab oo sheegtay inay dil ugu xukuman yihiin ergooyinkii Ansixiyay dastuurka KMG ah ee Soomaaliya