Khamiis, Ogoosto 02, 2012 (HOL) — Dablay aan la aqoonsan ayaa xalay bambaano ku weeraray guriga maayarka ama guddoomiyaha degmada Laascaanood ee gobolka Sool, Faarax Cabdi Yare.
Haseyeeshee lama sheegin cid wax ku noqotay marka laga reebay askari ilaalo u ahaa maayarka oo dhaawac fudud ka soo gaadhay, waxaanu maayarkani shaqadda hayey muddo kayar labaatan cisho.
Magaaladda Laascaanood ayaa inta badan waxa ka dhaca dilal qorshaysan oo lagu beegsanayo masuuliyiinta gobolka Sool, ilaa hadana cid loo qabtay falalkaasi ma jiraan, wallow masuuliyiinta ku af gobaadsadaan in baadhitaan wadaan, haseyeeshee cid rasmi ah oo loo soo qabtay ma jiraan.
Dhinaca kale, Barakacayaasha magaaaladda Laascaanood ayaa shalay isku soo bax cabasho ah ka sameeyey magaaladda Laascaanood, kuwaas oo dawladda ka dalbanayey inay hoos u eegto baahiyahoodda, maadaama oo aanay wax shaqo ah hayn, oo ay u baahan yihiin taakuleyn iyo gurmad loo fidiyo.
“Waxa na haysto nolol xumo, bishii Ramadaan gaajo ayaa na dishay , Somaliland nabad waana ku haysanaa,laakiin noloshii way xun tahay , caruurtii waa ay macaluuleen, habeenkii waxba looma kariyo”ayuu yidhi mid ka mid ah barakacayaasha oo dawladda baaq u dirayey.
Barakacayaashan ayaa ka cabanayey daryeel la’aan nolosha ka haysta iyo xukuumadda oo aan ka war hayn, iyadoo sheegay in nabad mooyee noloshii kale iyo wax ay ku noolaadaan aanay haysan, sidaa darteed baaq u diray in loo gargaaro.
Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland
Guriga Guddoomiyaha Degmada Laascaanood oo bam lagu weeraray iyo Barakacayaal baaq u diray Somaliland
More News
- Maamulka Boosaaso oo xarigga ka jaray labo waddo oo laami la saaray
- Maayarka Boorame oo Badeeco dhacday ka soo ururiyey Bakhaarro ay ku keydsaney (SAWIRRO)
- Dastuurka KMG Soomaaliya oo Mamnuucay Gudniinka Fircooniga ah ee Haweenka iyo Aragtiyo kala duwan oo laga bixiyay
- Somaliland oo guul ku Tilmaamay Ansixinta Dastuurka KMG Soomaaliya ee shalay lagu Ansixiya Magaalada Muqdisho
- Kooxo bastoolado ku hubeysan oo Bartamaha Degmada Baladweyne ee Gobolka Hiiraan ku toogtay Injineer caan ah
- Marshaale oo si weyn Arbacadii loogu aasay magaalada Muqdisho (Daawo Sawirada & Videoga)
- Taliyaha Ciidanka Nabad-sugidda Gobolka Banaadir oo ka badabaday Qarax miino oo la doonayay in lagu Qaarijiyo
- Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud oo Matoor dab-dhaliye ah ugu deeqday Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho
- Guddoomiyaha Degmada Huriwaa oo sheegay in Ciidamada dowladda ay ka geystaan degmadaas dil, dhac iyo kufsi
- Madaxweynaha Dowladda Puntand oo si weyn u soo dhoweeyay Ansixinta Dastuurka Qabyada ah ee dalka Soomaaliya
- Xarakada Al-shabaab oo sheegtay inay dil ugu xukuman yihiin ergooyinkii Ansixiyay dastuurka KMG ah ee Soomaaliya