4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 2 , 2012
Taliyaha Ciidanka Nabad-sugidda Gobolka Banaadir oo ka badabaday Qarax miino oo la doonayay in lagu Qaarijiyo

Khamiis, Ogoosto 02, 2012 (HOL) — Taliyaha nabadsugidda gobolka Banaadir, Col. Khaliif Axmed Ereg ayaa saakay ka badbaaday qarax miino oo la doonayay in lagu qaarijiyo, iyadoo saraakiisha dowladdu ay sheegeen inay qaraxaas u qabteen hal qof.

Qaraxan oo aad looga maqlay Muqdisho ayaa ka dhashay miino meelaha fogl laga hago oo lagu aasay jid uu taliyuhu si joogto ah u mari jiray oo ku yaalla degmada Hodan, iyadoo aan la sheegin wax khasaare ah oo uu dhaliyay.

"Weerarku wuxuu ahaa mid la doonayay in aniga la igu qaarijiyo; waana fashilmay, waxaana qabanay wiil dhallinyaro ah oo aan uga shakisannahay inuu hagayay," ayuu yiri Col. Ereg oo saxaafadda la hadlay.

Ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda weerarkan, balse Al-shabaab oo dagaal kula jirta dowladda KMG ah iyo AMISOM ayaa waxay dhowr jeer oo hore weerarro noocan oo kale ah la beegsatay saraakiisha ciidamada iyo shaqaalaha kale ee DKMG ah.

Taliyaha ciidanka booliiska gobolka Banaadir, Col. Axmed Xasan Maalin oo isaguna ka hadlay qaraxa ayaa sheegay inaysan jirin cid ay waxyeelo kasoo gaartay, isagoo sheegay in la qabtay hal qof oo baaris ay ku socoto.

Weerarkan ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo shalay ay laba ruux oo walxaha qaraxa ay ku xiran yihiin ay weerareen xarunta uu ka socday shirka ansixinta dastuurka oo si aqlabiyad leh ay ku ansixiyeen ergooyinkii loo xilsaaray.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya