4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 18, 2012
Madaxweynaha Kenya oo ku hanjabay in dalkiisu uu cunno-qabteyn kusoo rogi doono Qas-wadayaasha Soomaaliya
Sabti, Ogoosto 18, 2012 (HOL) — Madaxweynaha dalka Kenya ayaa sheegay inay ka go'an tahay xukuumaddiisa inay cunno-qabteyn kusoo rogto kuwa caqabada ku ah hannaanka siyaasadda Soomaaliya ee loogu yeero qas-wadayaasha.


Warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska madaxweynaha Kenya, Mwai Kibaki ayaa loogu digay shaqsiyaad iyo kooxo isku dayaya inay qalqal geliyaan heshiiskii Roadmap-ka oo la doonayo in lagu dhameeyo xilliga KMG ah ee Soomaaliya.

"Waxaan doonaynaa inaan digniin cad u dirno dhammaan kuwa kasoo horjeeda heshiiska Roadmap-ka ee la doonayo in lagu xasiliyo Soomaaliya kaddib bisha Ogoosto ee sannadkan 2012, Kenyana uma dulqaadanayso dhaqamada noocaas oo kale ah," ayuu Kibaki ku yiri warsaxaafadeedka oo Jimcihii shalay kasoo baxay xafiiskiisa.

Sidoo kale, madaxweynaha Kenya wuxuu sheegay in kooxaha falalkaas ku kacaya lagula xisaabtami doono ficilladooda, ka dowlad ahaanna aysan ogolaanayn inay ku guuleystaan kooxahaas falalkooda, waxaana kusoo rogaynaa cunnoqabteyn.

Kibaki wuxuu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay ka shaqeeyaan sidii dalkooda uu uga bixi lahaa dhibaatada, ayna gacan ka geystaan sidii uu dalka uga bixi lahaa KMG ah looguna guuleysan lahaa howlaha socda sida: doorashada afhayeenka baarlamaanka iyo doorashada madaxweynaha si uu u soo dhiso dowlad joogto ah oo ay Soomaaliya yeelato.

Madaxweynaha Kenya wuxuu sidoo kale ugu baaqay hoggaamiyeyaasha siyaasadda Soomaaliya inay dantooda gaarka ah ka hormariyaan danta dadweynaha ayna ku fikiraan sidii ay Somaaliya dib ugu dhisi lahaayeen; isagoo xusay in la tallaabidda xilliga KMG ah ay Soomaaliya u horseedayso jawi cusub.

Sidoo kale, wuxuu ugu baaqay dhammaan Soomaalida gudaha iyo kuwa dibadda ku nool inay taageeraan hannaanka lagu doonayo in Soomaaliya ay kaga gudbto xilliga meel ku gaarka ah.

Dhanka kale, madaxweynaha Kenya wuxuu sheegay inay dhankooda taageerayaan hannaanka looga gudbayo xilliga KMG ah iyo Roadmap-ka, isagoo xusay in la dhisi doono dowlad lala xisaabtami karo.

Ugu dambeyn, madaxweynaha Kenya wuxuu sheegay inuu bishii Feberaayo ee 2004 uu billaabay inuu dadaal u galo sidii ay Soomaaliya kaga bixi lahayd xilliga adag ee ay muddada kusoo jirtay, isagoo xusay in xiligaas hoteelka Safari Park ee Nairobi ku yaalla uu kula hadlay hoggaamiyeyaasha Soomaalida.

Hanjabaadda ay Kenya u jeedisay kooxaha loogu yeero qas-wadayaasha ayaa waxay kusoo imaanaysaa kaddib laba billood markii ururka Midowga Afrika, IGAD iyo Qaramada Midoobay ay digniin u jeediyeen qaswadayaasha Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya