Sabti, Ogoosto 18, 2012 (HOL) — Maydadka saddex ruux oo dhallinyaro ah ayaa lagu arkay maanta bartamaha degmada Baladxaawo ee gobolka Gedo, iyadoo ay warar kala duwan kasoo baxayaan dhimashada dhallinyarada.
Saraakiisha DKMG ah ee ku sugan degmada Balad-xaawo ayaa sheegay in raggan ay ku dhinteen Qarax xalay ka dhacay degmada ayna ahaayeen rag doonayay inay qaraxaas aasaan balse uu si lama filaan ah ugu qarxay.
Warar madaxbannaan ayaa sheegay in ciidamada dowladda KMG ah ay saddexdan wiil oo dhallinyarada ah ay kala soo baxeen gurigooda ayna ku toogteen bartamaha degmada Balad-xaawo.
Goobjoogayaal ku sugan degmada Balad-xaawo ayaa sheegay inay xalay maqleen qarax, sidoo kalena ay xigtay rasaas badan oo la furay, taasoo ay sheegeen in lagu dilay sadexda qof ee dhalinyarada ah oo maydadkooda lagu arkay degmadaas.
Degmada Balad-xaawo oo ku dhow soohdinta ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya ayaa waxaa gacanta ku haya ciidamada dowladda KMG ah iyo maleeshiyo dowladda taageersan, waxaana dhowr jeer oo hore lagu arkay maydadka dad la dilay.
Xukuumadda Kenya ayaa inta badan sheegta in kooxaha dhibaatooyinka ka geysta deegaanka Dhadhaab oo ay ku yaallaan xeryaha Qoxootiga iyo degmooyinka kale oo ay Mandheera ka mid tahay ay u baxsadaan dhinaca degmada Balad-xaawo.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
Maydadka Saddex Dhallinyaro ah oo Maanta lagu arkay gudaha Bartamaha Degmada Balad-Xaawo ee Gobolka Gedo
More News
- Dadweynaha magaaladda Hargeysa oo si weyn ugu diyaar garoway Ciidda iyo xidhiidhiga Suuqa weyn ee magaaladda
- AMISOM oo iska fogeeysay inay ku lug leedahay duqeymihii loo geystay Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose
- Xildhibaannada Baarlamaanka Cusub ee Soomaaliya oo Maalinta Isniinta ah ee soo socota yeelanaya kulankooda ugu horreeya
- Madaxweynaha Soomaaliya oo sheegay inuu aqbalayo natiijada doorashada uuna xilka ka dagayo haddii laga adkaado
- Madaxweynaha Kenya oo ku hanjabay in dalkiisu uu cunno-qabteyn kusoo rogi doono Qas-wadayaasha Soomaaliya