Sabti, Ogoosto 18, 2012 (HOL) — Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ayaa war-saxaafadeed ay soo saareen ku sheegay inay ka walaacsan yihiin khasaaraha dadka rayidka ah ee ku nool Kismaayo oo ay maamusho Al-shabaab kasoo gaaray duqeymo loo geystay magaaladaas.
Magaalada Kismaayo oo 500-km dhinaca Koonfureed kaga beegan Kismaayo oo ah xarunta gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa ku dhacay gantaallo la sheegay inay qaarkood tuureen maraakiib ku sugan xeebaha magaaladaas.
"Waxaan ku talinaynaa awood kasta oo ciidan inay muhiimadda siiyaan dadweynaha," ayuu yiri ergayga gaarka ah ee Midowga Afrika u qaablisan arrimaha Soomaaliya, dajire Abuubakar Diyaara.
Sidoo kale, ergaygu wuxuu ku baaqay in baaritaan lagu sameeyo dadka khasaaraha ay kasoo gaareen duqeymihii loog eystay Kismaayo, isagoo sheeagy in ciidankooda AMISOM aysan duqeyn u geysan Kismaayo.
"AMISOM waxay qaadanaysaa mas'uuliyadda kaga aaddan ilaalinta shacabka Soomaaliyeed, waxayna si cad u fahamsan yihiin sida ay u dagaalamaan iyagoo aanay dadku dhibaato kasoo gaarin," ayuu yiri Diyaara.
Magaalada Kismaayo ayaa ah meel aad ugu xooggan tahay Al-shabaab, halkaasoo ay ciidamada Kenay oo ka tirsan AMISOM dhowr jeer oo hore sheegeen inay weerari doonaan.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
AMISOM oo iska fogeeysay inay ku lug leedahay duqeymihii loo geystay Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose
More News
- Dadweynaha magaaladda Hargeysa oo si weyn ugu diyaar garoway Ciidda iyo xidhiidhiga Suuqa weyn ee magaaladda
- Xildhibaannada Baarlamaanka Cusub ee Soomaaliya oo Maalinta Isniinta ah ee soo socota yeelanaya kulankooda ugu horreeya
- Maydadka Saddex Dhallinyaro ah oo Maanta lagu arkay gudaha Bartamaha Degmada Balad-Xaawo ee Gobolka Gedo
- Madaxweynaha Soomaaliya oo sheegay inuu aqbalayo natiijada doorashada uuna xilka ka dagayo haddii laga adkaado
- Madaxweynaha Kenya oo ku hanjabay in dalkiisu uu cunno-qabteyn kusoo rogi doono Qas-wadayaasha Soomaaliya