3/30/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 18, 2012
Madaxweynaha Soomaaliya oo sheegay inuu aqbalayo natiijada doorashada uuna xilka ka dagayo haddii laga adkaado
Sabti, Ogoosto 18, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay inuu diyaar u yahay inuu aqbalo natiijada kasoo baxda doorashada madaxnimo ee Soomaaliya wax walba oo ay noqoto.


Shariif Sheekh oo u warramayay wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sidoo kale been abuur iyo wax aan jirin ku tilmaamay warbixintii Qaramada Midoobay ee ku saabsanayd in madaxda Soomaalida ay musuqmaasuqeen dhaqaale badan oo loogu deeqay Soomaaliya.

"Diyaar ayaan u ahay inaan aqbalo natiijada kasoo baxda doorashada wax walba oo ay tahay," ayuu yiri Sheehk Shariif oo sheegay inuusan doonayn inuu si awood ah ugu sii fadhiyo kursiga madaxweynenimo ee Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya oo horay u ahaa hoggaamiyihii Midogii Maxkamadaha Islaamka ayaa xilka qabtay sannadkii 2009, wuxuuna ballanqaaday inuu xilka ka degi doono haddii looga guuleysto doorashada madaxnimo ee Soomaaliya oo lagu wado inay dhawaan dhacdo.

Saddexda mas'uul ee ugu sarreeya Soomaaliya, sida madaxweynaha, afhayeenka baarlamaanka iyo ra'iisul wasaaraha waxay u sharraxan yihiin xilka madaxnimo ee Soomaaliya, sidoo kale waxaa sharraxan shaqsiyaad iyo xubno ka socda ururro siyaasadeed oo kala duwan.

Dhanka kale, mar uu ka hadlay warbixintii Qaramada Midoobay oo ku eedeysay inay ku maqan tahay gacanta madaxda Soomaalida malaayiin dollar oo deeq ah, isagoo ku sheegay in warbixtaas ay tahay mid been abuur ah.

"Waan ka xunnahay warbixinta. Waxay ahayd warbixin la sameeyay oo been ah," ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya oo sheegay in dadka warbixinta qoray aysan ku sugnayn Soomaaliya amaba aysan imaan.

Warbixinta Qaramada Midoobay waxaa lagu sheegay in xafiisyada saddexda mas'uul ee dalka ugu sarreeya lagu qarash-gareeyay sannadkii 2011 oo keliya lacag dhan 12-milyan oo doollarka Mareykanka ah.

Madaxweynuhu wuxuu diiday in lacagtaas ay isticmaaleen, isagoo sheegay inaysan jirin lacago dalka soo gaaray, balse weli ma aysan horgeyn Qaramada Midoobay caddeymo ku saabsan inaysan lacagaas ku maqnayn iyaga.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
8/18/2012 11:58 AM EST
Sabti, Ogoosto, 18, 2012 (HOL)- Ciidda Soonfur ayaa maalmihii u dambeeyey aad looga dareemayaa guud ahaan Somaliland, gaar ahaan magaaladda Hargeysa, waxaanay dadweynuhu ku qulqulayeen goobaha Tukaamadda ah ee lagu iibiyo agabka kala duwan ee dharka, kabaha iyo waxyaalaha kale ee guryaha lagu qurxisto ka midka yihiin.

8/18/2012 8:22 AM EST
Sabti, Ogoosto 18, 2012 (HOL) — Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ayaa war-saxaafadeed ay soo saareen ku sheegay inay ka walaacsan yihiin khasaaraha dadka rayidka ah ee ku nool Kismaayo oo ay maamusho Al-shabaab kasoo gaaray duqeymo loo geystay magaaladaas.

8/18/2012 7:48 AM EST
Sabti, Ogoosto 18, 2012 (HOL) — Guddiga xulista baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay inay hayaan tirada 242-mudane oo baaristooda la dhameeyay, wuxuuna guddigu sheegay in xildhibaannadan ay fadhigooda ugu horreeya yeelanayaan maalinta Isniinta ah ee soo socota.

8/18/2012 7:22 AM EST
Sabti, Ogoosto 18, 2012 (HOL) — Maydadka saddex ruux oo dhallinyaro ah ayaa lagu arkay maanta bartamaha degmada Baladxaawo ee gobolka Gedo, iyadoo ay warar kala duwan kasoo baxayaan dhimashada dhallinyarada.

8/18/2012 3:13 AM EST
Sabti, Ogoosto 18, 2012 (HOL) — Madaxweynaha dalka Kenya ayaa sheegay inay ka go'an tahay xukuumaddiisa inay cunno-qabteyn kusoo rogto kuwa caqabada ku ah hannaanka siyaasadda Soomaaliya ee loogu yeero qas-wadayaasha.