3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 15, 2012
Yuusuf Garaad Cumar Axmed oo ku dhawaaqay inuu yahay Murashax u taagan xilka Madaxnimo ee Soomaaliya

Arbaco, Ogoosto 15, 2012 (HOL) — Tifaftirhii laanta Af-Soomaaliga ee BBC-da, Yuusuf Garaad Cumar Axmed ayaa maanta kaga dhawaaqay Muqdisho inuu yahay murashax u taagan xilka madaxnimo ee Soomaaliya, isagoo sheegay in haddii uu ku guuleysto doorashada uu ka shaqeyn doono nabadda iyo dib u heshiisiinta.

Intii uusan ku dhawaaqin murashaxnimadiisa ayaa wuxuu kaam ku yaalla agagaarka garoonka diyaaradaha Muqdisho uu geeyay xoolo nool iyo raashin si ay ugu afuraan barakacayaasha kaamkaas ku jiray inta ka harsan bisha Ramadaan.

"Aniga waxaad igu taqaanneen warbaahinta, balse maanta waxaan ku dhawaaqayaa inaan ahayn murashax u taagan xilka madaxnimo ee Soomaaliya," ayuu yiri Yuusuf Garaad oo intaas ku raaciyay in xaaladda Soomaaliya uu wax badan ka baahin jiray warbaahinta.


Sidoo kale, wuxuu sheegay in qofka warbaahinta ka shaqeeya uu yahay siyaasi la socda waxyaabaha dalka ka dhacaya oo dhan, waayo anigu waxaan muddo badan ka qaybgalay shirar Soomaaliyeed oo lagu qabtay dunida dacaladiisa, runtiina aad ayaan ula socday xaaladda dalka uu ku sugnaa.

"Waxaan muddo 20-sano ah ka shaqeynayay London, laba sanana Yurubta kale, balse markii aan bulshada la tashay ayaa waxaa ii soo baxday inaan isku soo taago xilka madaxnimo ee Soomaaliya," ayuu yiri Yuusuf Garaad oo sheegay in haddii uu ku guuleysto doorashada madaxnimo uu haweenka siin doono jagada ugu sarreysa.

Mar uu ka hadlayay hannaanka awood-qaybsiga ee 4.5-ka ayuu sheegay inuu yahay mid dad gaar ah lagu faquuqayo, aniguna aad ayaan uga soo horjeedaa in nidaamkaas wax lagu qaybsado, waxaana soo jeedinayaa in Soomaalidu ay shan meel wax ku qaybsato.

Su'aal ku saabsanayd in haddii uu xilka madaxnimo ee dalka ku guuleysto uu heshiis la galayo Al-shabaab iyo in kale, ayuu kaga jawaabay: "Uma maleynayo inaan ku gaari doono, hase yeesheen Al-shabaab iyaga ayaa mas'uul ka ah dhibka maanta ka taagan Soomaaliya, waayo waxay martigeliyeen dad waddamadoodii dambiyo kaasoo galay."


Dhanka kale, mar ka hadlay warfaafinta Soomaalida wuxuu sheegay inuu gacan ka geysan doono sidii aqoontooda sare loogu qaadi lahaa, sidoo kalena uu degmo loo sameyn doono idaacad ka hadasha arrimaha bulshada, si dadka loogu wacyi-geliyo inay ka shaqeeyaan horumarka dalkooda.

Ugu dambeyn, wuxuu ka hadlay barakacayaasha iyo xaaladda ay ku sugan yihiin, isagoo sheegay inuu wax u qaban doon, hase ahaatee in maalin walba cagmaha la hoorsado waxaa ka wanaagsan in qofku shaqeysto si uu noloshiisa u maareeyo.



Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya












Click here
8/15/2012 3:38 PM EST
Shir aan caadi ahayn ayaa dalalka Islaamka uga furmay dalka Boqortooyada Sacuudiga. Shirkaas ayaa looga hadlayaa dhibaatada ka taagan dalka Suuriya.

8/15/2012 10:49 AM EST
Arbaco, August 15, 2012(HOL): Madaxweynaha Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo maanta ka soo laabtay dalka Boqortooyada Sacuudiga oo uu uga qeybgalay Shirkii waddamada Islaamka ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay xarunta Madaxtooyada waxaa uu uga warramay hanjabaado loo jeediyay guddiga soo xulaya xubnaha baarlamaanka Soomaaliya, saameynta Xukuumadda Soomaaliya ay leedahay xilligan iyo waxyaabihii looga hadlay shirkii waddamada Islaamka ee uu ka qeybgalay.

8/15/2012 9:39 AM EST
Arbaco, Ogoosto, 15, 2012 (HOL)-Maleeshiyo watay dhawr gaadhi ayaa shalay galab afar qof oo xoolo dhaqato ah ku afduubtey meel u dhexeysa deegaanka Sool-Joogto iyo Buuhoodle, kuwaas oo la sheegay in lala tagay degmadda Buuhoodle oo hadda lagu hayo.

8/15/2012 9:36 AM EST
Danjiraha dawlada Britain u qaablisan arrimaha Soomaaliya Matt Baugh ayaa rajo ka muujiyay xaalada Soomaaliya, isagoo sheegay in ansixinta dastuurka iyo horumarka dhanka ammaanka ee la gaaray ay tahay calaamad muujinaysa in Soomaaliya ay soo hagaagayso.

8/15/2012 7:20 AM EST
Arbaco, Ogoosto 15, 2012 (HOL) — Wararka aynu ka heleyno deegaanka Hoosingoow ee gobolka jubada Hoose ayaa sheegaya in deegaan lagu magacaabo Waraaq oo qiyaastii 30 KM u jira deegaanka Hoosingoow ay ku dagaalameen laba beelood, kadib markii uu soo dhexgalay muran ku saabsan dhul.

8/15/2012 7:12 AM EST
Arbaco, Ogoosto 15, 2012 (HOL) — Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Ban Ki-Moon ayaa ka digay Talaadadii shalay inuu dib u dhac ku yimaado xulista xubnaha baarlamaanka KMG ah ee Soomaaliya.

8/15/2012 6:42 AM EST
Arbaco, Ogoosto 15, 2012 (HOL) — Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa galinkii danbe ee maalintii shalay lagu soo gabagabeeyay tartan kubada cagta ah oo lagu maamuusayay ama loo dhigay bisha barakeysan ee Ramadaan.

8/15/2012 6:23 AM EST
Arbaco, Ogoosto 15, 2012 (HOL) — Maraakiibta dagaal ee ku sugan xeebta magaalada Kismaayo ayaa saaka aroortii markale gantaallo dhowr ah kusoo tuuray magaalada, iyadoona ay arintaasi keentay in dagaalyahannada Al-shabaab ay iyaguna dhankooda ku tuuraan madaafiic taasoo cabsi ku abuurtay dadka ku dhaqan Kismaayo.

8/15/2012 3:56 AM EST
Arbaco, Ogoosto 15, 2012 (HOL) — Kooxo hubeysan ayaa xalay ku dilay degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir guddoomiyihii Suuq Bacaad oo ah suuqa labaad ee ugu weyn Muqdisho, Siciid Fiidoow iyadoo lagu wado in maydkiisa maanta lagu aaso qubuuraha Jeneraal daa'uud ee isla degmadaas.