4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 15, 2012
Afar qof oo shacab ah oo lagu afduubtay deegaanka Sool-joogto iyo waanwaan lagu jiro siideyntoodda

Arbaco, Ogoosto, 15, 2012 (HOL)-Maleeshiyo watay dhawr gaadhi ayaa shalay galab afar qof oo xoolo dhaqato ah  ku afduubtey meel u dhexeysa deegaanka Sool-Joogto iyo Buuhoodle, kuwaas oo la sheegay in lala tagay degmadda Buuhoodle oo hadda lagu hayo.

Kooxdan afduubtay afarta qof ayaa la sheegayaa inay dalbadeen  siindeynta Nin la yidhaa Jaamac Kuutiye oo ah nin arrimo argagixiso ugu xidhan jeelasha Somaliland, kaas oo muddo dheerna ku xidhnaa jeelasha.

Haseyeeshee, odayaasha iyo waxgaradka deegaanka Buuhoodle ayaa ku mashquulsan soo deynta afarta qof ee la qafaashay, iyadoo waan waanteediina ilaa hadda lagu jiro.

Afartan qof ee la afduubtay ayaa la kala yidhaa Xuseen Axmed Carab, Khadar Xuseen Caydiid, Maxamed Axmed Caydiid iyo Saleebaan Aadan, kuwaas oo geel ku ilaalinayey deegaankaasi lagu soo weeraray.

Si kastaba ha ahaate, dhacdadan ayaa ku cusb Guud ahaan Somaliland, kaas oo dadku aad ula yaabanaayeen.

 Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online 
[email protected]
Hargeysa, Somaliland