Arbaco, Ogoosto 15, 2012 (HOL) — Wararka aynu ka heleyno deegaanka Hoosingoow ee gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in deegaan lagu magacaabo Waraaq oo qiyaastii 30 KM u jira deegaanka Hoosingoow ay ku dagaalameen laba beelood, kaddib markii uu soo dhexgalay muran ku saabsan dhul.
Dagaalkan oo ay labada dhinac isu adeegsadeen rasaas ayaa yimid kadib markii beelo wada daga deegaankaasi ay ku murmeen dhul la doonayay in ceel laga qodo, murankaasoo isu badalay in labada dhinac ay isu adeegsadaan rasaas.
Sida ay noo xaqiijiyeen dad ku sugan deegaanka Hoosingoow dagaalka dhexmaray labada beel ayaa sababay dhimashada hal qof iyo dhaawaca sedex kale, waxaana ay weli xiisad ka taagantahay goobihii lagu dagaalamay.
Cabdi Salaad Cabdi oo kamid ah odoyaasha deegaanka Hoosingoow oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dagaalka dhex maray labada beelood uu ka dhashay dhul la doonayay in ceel laga qodo, wuxuuna intaa ku daray in weli ay taagantahay xiisadda u dhexeysa labada beelood.
Ma ahan markii ugu horeeysay oo dagaal caynkan oo kale ah uu ka dhaco gobolka jubada hoose, haseyeeshee iska horimaadyada ka dhasha dhulalka ayaa ah kuwo aalaaba ka dhaca gobollada jubooyinka.
Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya
Beelo Xoolaley ah oo uu soo dhexgalay muran dhuleed oo ku dagaalamay Nawaaxiga Deegaanka Hoosingoow
More News
- Youtube: Shirka wadamada Islaamka uga furmay dalka Boqortooyada Sacuudiga - Wariye Ibraahim Baafo
- MADAXWEYNAHA SOOMAALIYA: “ Xukuumaddu saameyn ma lahan haddii Ra’iisal Wasaaraha musharrax noqday”
- Afar qof oo shacab ah oo lagu afduubtay deegaanka Sool-joogto iyo waanwaan lagu jiro siideyntoodda
- Safiirka dalka Britain u qaabilsan arrimaha Soomaaliya oo rajo ka muujiyay xaalada Soomaaliya (SAWIRRO)
- Yuusuf Garaad Cumar Axmed oo ku dhawaaqay inuu yahay Murashax u taagan xilka Madaxnimo ee Soomaaliya
- Xogyayaha Guud ee Qarammada Midoobay oo ka digay dib u dhac ku yimaada Xulista Xidhibaannada Baarlamaanka Cusub
- Tartan K/Cagta ah oo lagu Maamuusayay Bisha Barakeysan ee Ramadaan oo lagu soo gabagabeeyay Magaalada Baladweyne
- Maraakiib dagaal oo saakay duqeeyay Magaalada Kismaayo iyo Dadka Reer Kismaayo oo barakac billaabay
- Kooxo hubeysan oo xalay dilay Gudoomiyihii Suuq Bacaad oo ah Suuqa labaad ee ugu weyn Magaalada Muqdisho