Arbaco, Ogoosto 15, 2012 (HOL) — Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Ban Ki-Moon ayaa ka digay Talaadadii shalay inuu dib u dhac ku yimaado xulista xubnaha baarlamaanka KMG ah ee Soomaaliya.
Afhayeenka Ban Ki-Moon ayaa sheegay in golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ay tallaabo ka qaadi doonaan koox walba ama shaqsi kasta oo ka hortimaadda qorshaha lagu xasilinayo Soomaaliya oo aysan muddo 20-sano ku jiray fowdo iyo colaado.
"Xilliga shaqo ee dowladda KMG ah ee ku eedeysan musuqmaasuqa wuxuu ku eg-yahay 20-ka Ogoosto ee sannadkan, waxaana odayaasha beelaha Soomaaliyeed laga doonayaa inay xildhibaannada soo xulaan si ay u doortaan hoggaan cusub," ayaa lagu yiri war kasoo baxay xafiiska Ki-Moon.
Sidoo kale qoraalka ayaa lagu sheegay in toddobaadyadii ugu dambeysay ay jireen doodo siyaasadeed oo u dhexeeyay siyaasiyiinta Soomaalida. Qaramada Midoobay iyo ururka Midowgta Yurub ayaa muujiyay walaacooda ku aaddan in howlaha looga baxayo xilliga KMG ah uu dib u dhac ku imaan karo.
"Dib u dhac ku yimaadda xulista xildhibaannada baarlamaanka cusub ee Soomaaliya waxaa loo arkaa mid khatar ah," ayuu yiri afhayeenka xoghayaha guud oo lagu magacaabo, Martin Nesirky, isagoo sheegay inaan la ogolaan doonin in la jaha-wareejiyo ka bixitaanka xilliga KMG ah.
Ki-Moon ayaa ugu yeeray hoggaamiyeyaasha siyaasadda Soomaalida, odayaasha dhaqanka iyo dhinacyada kale inay ka gudbaan kala fikir-duwanaashaha u dhexeeya ayna ka shaqeeyaan danaha shacabka Soomaaliyeed.
"Waa in odayaasha dhaqanka waa inay ka fogaadaan wax is-daba-marin. Sidoo kale guddiga farsamo ee xulista baarlamaanka waa inay howshooda u gubtaan si aanay cabsi ku jirin oo hufan," ayuu yiri Ban Ki Moon.
Bisha Ogoosto ee sannadkan ayaa lagu wadaa in Soomaaliya ay ka gudbto KMG-ka oo 12-sano ay ku shaqeynayeen dowladihii soo maray, iyadoo lagu wado in loo dhiso Soomaaliya dowlad joogto ah oo go'aannadeeda u madaxbannaan.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
Xogyayaha Guud ee Qarammada Midoobay oo ka digay dib u dhac ku yimaada Xulista Xidhibaannada Baarlamaanka Cusub
More News
- Youtube: Shirka wadamada Islaamka uga furmay dalka Boqortooyada Sacuudiga - Wariye Ibraahim Baafo
- MADAXWEYNAHA SOOMAALIYA: “ Xukuumaddu saameyn ma lahan haddii Ra’iisal Wasaaraha musharrax noqday”
- Afar qof oo shacab ah oo lagu afduubtay deegaanka Sool-joogto iyo waanwaan lagu jiro siideyntoodda
- Safiirka dalka Britain u qaabilsan arrimaha Soomaaliya oo rajo ka muujiyay xaalada Soomaaliya (SAWIRRO)
- Yuusuf Garaad Cumar Axmed oo ku dhawaaqay inuu yahay Murashax u taagan xilka Madaxnimo ee Soomaaliya
- Beelo Xoolaley ah oo uu soo dhexgalay muran dhuleed oo ku dagaalamay Nawaaxiga Deegaanka Hoosingoow
- Tartan K/Cagta ah oo lagu Maamuusayay Bisha Barakeysan ee Ramadaan oo lagu soo gabagabeeyay Magaalada Baladweyne
- Maraakiib dagaal oo saakay duqeeyay Magaalada Kismaayo iyo Dadka Reer Kismaayo oo barakac billaabay
- Kooxo hubeysan oo xalay dilay Gudoomiyihii Suuq Bacaad oo ah Suuqa labaad ee ugu weyn Magaalada Muqdisho