4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 15, 2012
Tartan K/Cagta ah oo lagu Maamuusayay Bisha Barakeysan ee Ramadaan oo lagu soo gabagabeeyay Magaalada Baladweyne
BALAD1.jpg

Arbaco, Ogoosto 15, 2012 (HOL) — Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa galinkii danbe ee maalintii shalay lagu soo gabagabeeyay tartan kubada cagta ah oo lagu maamuusayay ama loo dhigay bisha barakeysan ee Ramadaan.

Tartanka oo ay ka qeyb-galeen 16 kooxood oo laga soo kala xulay Afarta xaafadood oo ay ka kooban tahay magaalada ayaa tan iyo bilowgii bisha Ramadaan si xiisa leh uga socday magaalada Baladweyne.

Galab kasta waxaa u soo daawasho tagi jiray tartanka oo lagu soo gabagabeeyay garoonka kubada cagta  Isbartiibo ee xaafadda Buundo-weyn dad ka koobna qeybaha bulshada oo ku dhaqan magaalada, kuwaasoo aad u xiiseeynayay qabashada tartamada noocan oo kale ah oo ay mudo dheer ugu danbeysay.

Cayaartii gabagabada ayaa waxaa ay shalay galinkii danbe dhaxmartay kooxaha ALBA iyo Buula-Amar waxaa 5-3 ugu danbeytii guusha ku raacday cayaartooyda kooxda ALBA oo halkaa ku qaaday koobkii bisha Ramadaan.

BALAD2.jpg

Guddoomiyaha guddiga Olanbikada gobollka Hiiraan C/kariin Xassan C/dulle Qalaad (Yaani-yaani)  ayaa ugu mahad celiyay dhamaan kooxihii ka qeyb-galay sidii quruxda badneyd oo ay tartanka ku soo dhameeyeen iyo cayaar wanaagii ay soo bandhigeen, waxaana uu sheegay in mar walba cayaaruhu yihiin kuwo qeyb weyn ka qaadanaya is dhax-galka iyo saaxiibtimada bulshada, waxaana uu tusaala soo qaatay dad weynihii u soo daawasho tagi jiraycaayaarta oo laga yaabo ayuu yiri in aysan horay isku arki jirin.

Sidoo kale waxaa uu mahad celin balaaran u jeediyay xiriirka kubada cagta Soomaaliyeed oo sida uu sheegay suurtagaliyay qabashad tartanka, gaar ahaan Xiirey Axmed Rooble oo ah xubin ka tirsan xiriirka oo furay bilowgii tartanka.

Taageerayasha Kooxda ALBA ee ku guuleystay koobka ayaa ku soo wareegay xaafadaha magaalada, iyaga oo muujiyay guusha ay ka gaareen tartanka lagu soo gabagabeeyay magaalada Baladweyne.

BALAD3.jpg
BALAD4.jpg
BALAD5.jpg

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Baladweyne, Soomaaliya