4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 15, 2012
Kooxo hubeysan oo xalay dilay Gudoomiyihii Suuq Bacaad oo ah Suuqa labaad ee ugu weyn Magaalada Muqdisho

Arbaco, Ogoosto 15, 2012 (HOL) — Kooxo hubeysan ayaa xalay ku dilay degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir guddoomiyihii Suuq Bacaad Siciid Fiidoow oo ah suuqa labaad ee ugu weyn Muqdisho,  iyadoo lagu wado in maydkiisa maanta lagu aaso qubuuraha Jeneraal daa'uud ee isla degmadaas.

Dilka marxuumka ayaa waxaa geystay kooxo bastoolado ku hubeysan iyadoo aan weli la ogeyn sababta keentay in la toogto, waxaaan kooxaha dilkiisa geystay u suurogashay inay goobta ka baxsadaan.

"Guddoomiyaha waxaa la dilay isagoo kusii socda gurigiisa, waxaana toogtay laba ruux oo basatoolado ku hubeysan. Dadweyne gartay ayaa goobta ka qaaday," ayuu yiri goobjooge ku sugan degmada Yaaqshiid oo saxaafadda la hadlay.

Dowladda KMG ah ayaan ka hadlin dilka mas'uulkan iyadoo aysan jirin sidoo kale cid sheegatay mas'uuliyadda dilka guddoomiyahan oo noqonaya kii ugu horreeyay guddoomiye suuq oo Muqdisho lagu dilo.

Toogashada marxuumka ayaa waxay kusoo beegmaysaa iyadoo dowadda KMG ah ay sheegtay inay xoojinayso ammaanka Muqdisho, basle dilalka ka dhacaya caasimadda ayaa noqday kuwo soo kordhaya.

Ammaan-darradan ayaa waxay kusoo beegmaysaa iyadoo lagu wado in maalmaha soo socda lagu qabto Muqdisho doorashada madaxnimo ee dalka, inkastoo ay weli jiraan isqabqabsi dhinaca xidhibaannada ah oo u dhexeeya beelaha Soomaalida.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya