
Axad, September 16, 2012 (HOL) - Xaflad taariikhi ah oo ay kasoo qaybgaleen qaar kamid ah hogaamiyayaasha gobolka iyo wufuud ka socota caalamka oo lagu maamuusayay caleema saarka madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.
Xafladan oo si toos ah looga daawanayay taleefishinka qaranka iyo qaar kamid taleefishinada kale ee Soomaaliya ayaa ahayd mid taariikhi ah oo sare u qaaday rajada ay Soomaali badani ka qabaan dhisitaanka qaran adag oo taladiisa ay si dimuqraadi ah ula kala wareegi karaan hogaamiyayaasha lasoo doorto.
Madaxweynahii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa si rasmi ah gacanta uga galiyay talada dalka hogaamiyaha cusub ee Soomaaliya ay yeelatay.
“Madaxnimo haday micno samaynayso waa i soo martay, intaan u soo qaban karana dalkayga waan u soo qabtay” ayuu yiri madaxweynihii hore.
“Waxaan
ku faraxsanahay in la iga guulaystay, waayo shacabka Soomaaliyeed ma ogayn go’aanka
aan qaadan doono hadii la iga guulaysto, hadase waa ogaadeen, waana ku qanceen”
ayuu sii raaciyay.
Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud ayaa dhankiisa ballan
qaaday inuu dhisi doono dawlad wanaagsan oo nabad ay ku wada noolyihiin
shacabkeedu,nabadna kula noolaata wadamada dariska ah iyo caalamkaba.

“Wax kasta oo dadka kala qaybinaya waa ka dheeraan doonaa, waxkasta oo midnimo abuurayana waa ku dadaali doonaa” ayuu yiri madaxweynaha cusub oo jeediyay khudbad dhinacyo badan taabanaysay.
Madaxweynaha
dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo si wayn loogu sacab tumay markii uu
hadalka bilaabay ayaa u hambalyeeyay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya.
“Mudane
madaxweyne Jabuuti xukuumadeedu, shacabkeedu iyo hantideeduba adiga ayay
taageero kuuyihiin” ayuu yiri Geelle oo ahaa madaxweynaha kaliya ee ka socday
caalamka ee yimid xaflada.
Hogaamiyayaasha kale ee caalamka ka socday ayaa waxaa kamid ahaa Ra’iisul
wasaaraha cusub ee Itoobiya, Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Turkiga, Ra’iisul
wasaare ku xigeenka Uganda, Kaaliyaha madaxweynaha Sudan iyo wufuud kale.





Axmed C/samad, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho , Soomaaliya