Axad, September 16, 2012 (HOL) — Wufuud ay ka mid yihiin madaxweynaha dalka Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, ra'iisul wasaaraha dalka Itoobiya ee aan weli la dhaarin, Haile Mariam Desaleng, ra'iisul wasaare ku xigeenka dalka Turkiga, Baker Buzdag iyo madaxweyne ku xigeenka Suudaan, Maxamed Cismaan Daaha ayaa soo gaaray Muqdisho, kuwaasoo ka qayb-galaya munaasabadda caleemo-saarka loo sameynayo madaxweynaha Soomaaliya oo Muqdisho ka socota.
Mas'uuliyiintan ka socota dalalka dariska iyo saaxiibka la ah Soomaaliya ayaa waxaa kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho xubno uu ka mid yahay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta si rasmi ah ula wareegaya xilka madaxnimo ee Soomaaliya.
Dhaqdhaqaaqa garoonka diyaaradaha ee Muqdisho ayaa hakad la geliyay maanta iyadoo ammaanka caasimaddana aad loo adkeeyay, waxaana munaasabadda ay noqonaysaa tii ugu horreysay oo lagu qabto Soomaaliya.
Sidoo kale, waxaa munaasabadda ka qaybgalaya, wufuud ka kala socota ururrada Jaamacadda Carabta, Midowga Afrika, Midowga Yurub iyo Qaramada Midoobay, waxaana wufuudda ku sugan Muqdisho ka mid ah wafdiyo heer wasiir ah oo ka socda dalalka Uganda iyo Qatar.
Ciidamada bambeyda ayaa ku sugan garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, kuwaasoo garaacaya muusiga calamada dalalka soo gaaraya Muqdisho ee ka caleemo-saarka ka qaybgalaya, iyadoo la adkeeyay ammaanka goobta uu shirku ka dhacayo iyo waddooyinka ku dhow-dhow.
Caleemo-saarkan ayaa wuxuu noqonayaa kii ugu horreeyay oo ka dhaca Muqdisho tan iyo sannadkii 1967-kii markaasoo madaxweynihii la doortay ee xilligaas C/rashiid Cali Sharma'arke uu xilka kala wareegayay madaxweynihii uu doorashada kaga adkaaday Aadan Cabdulle Cismaan.
Wufuudda soo gaaraysa Muqdisho ayaa waxaa weli soo gaarayaan garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, halkaasoo ay ku sugan yihiin madaxda dowladda, waxaana sidoo kale munaasabadda ka qaybgalaya fannaaniinta Qaranka dalka Jabuuti ee deegaan oo shalay Muqdisho soo gaaray.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
Wufuud ay ka mid yihiin: Madaxweynaha dalka Jabuuti, Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya oo soo gaaray Magaalada Muqdisho
More News
- Madaxweynaha cusub oo la wareegay hogaanka dalka, kadib xaflad taariikhi ah oo lagu qabtay Muqdisho (SAWIRRO)
- Taliska Ciidanka Booliiska Maamulka Gobolka Hiiraan oo ka hadlay dilalka siyaabaha kala duwan uga dhaca Baladweyne
- Madaxweynaha Soomaaliya oo sheegay inuu xoogga saari doono Xasilinta dalka, soo celinta Sharciga iyo Xoojinta Midnimada
- Xaflad lagu Taageerayay Isbedelka ka dhacay Waddanka Soomaaliya oo lagu qabtay dalka Sweden (DAAWO SAWIRRO)
- Dab ka khasaare xooggan geystay oo ka Kacay Suuqa Shidaalka Degmada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose
- Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed oo si rasmi ah u wareejiya xilka Madaxweynenimo ee Soomaaliya
- Wararkii ugu dambeeyay ee xiisadaha ka taagan deegaannadii lagu dagaalamay ee Gobolka Jubbada Hoose
- Madaxweynaha Soomaaliya oo ku hanjabay inuu Xarakada Al-shabaab la dagaalami doono haddii ay diiddo Nabadda
- Diyaar-garowga Xafladda Caleemo-Saarka Madaxweynaha Soomaaliya oo ka socota Muqdisho iyo ammaanka oo la adkeeyay