Axad, September 16, 2012 (HOL) — Dab xooggan islamarkaasina sababay khasaaro hantiyadeed ayaa maanta duhurkii waxa uu ka kacay suuqa weyn ee shidaalka lagu iibiyo ee loo yaqaan Umbultooriyo, iyadoona dabku sababay burbur soo gaaray qaar kamid ah goobo ganacsi oo ku yaalla halka uu dabka ka kacay.
Dabka ayaa la sheegay in markii hore uu ka kacay maqaaxi laga shaaheeyo oo ku dhawayd suuqa shidaalka, waxaana la sheegay in uu ku faafay bakhaaradii Keydka shidaalka, taasoo keentay in uu dabku siweyn ugu baaho suuqa.
Goobjooge ku sugan goobta uu dabka ka kacay ayaa HOL u sheegay in dabku yahay mid xooggan, wuxuuna sheegay in mid kamid ah bakhaaraha shidaalka uu gabi ahaanba basbeelay.
Goobta uu dabka ka kacay ayaa waxa ku sugan masuuliyiin katirsan maamulka Al-shabaab ee magaalada Kismaayo, waxaana socdo dadaallo xooggan oo lagu doonayo in lagu damiyo dabka xooggan ee ka kacay suuqa.
Gubashada hantida dadweeynaha ka sokow ma jirto cid kale oo ku waxyeeloowday dabka ka kacay suuqa weyn ee shidaalka ee loo yaqaan Umbultooriyo.
Dhinaca kale war goordhawayd naga soo gaaray galbeedka gobolka jubada Hoose ayaa sheegay in uu markale dagaal xooggan ka qarxay nawaaxiga deegaanka Birta Dheer halkaas oo 24-kii saac ee ugu danbeeyay ay ka taagnaayeen xiisado dagaal oo u dhexeeya ciidamada dowladda, kuwa Raaskaambooni iyo Militariga Kenya oo isku dhinac ah iyo Xarakada Al-shabaab.
Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya
Dab ka khasaare xooggan geystay oo ka Kacay Suuqa Shidaalka Degmada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose
More News
- Madaxweynaha cusub oo la wareegay hogaanka dalka, kadib xaflad taariikhi ah oo lagu qabtay Muqdisho (SAWIRRO)
- Taliska Ciidanka Booliiska Maamulka Gobolka Hiiraan oo ka hadlay dilalka siyaabaha kala duwan uga dhaca Baladweyne
- Madaxweynaha Soomaaliya oo sheegay inuu xoogga saari doono Xasilinta dalka, soo celinta Sharciga iyo Xoojinta Midnimada
- Xaflad lagu Taageerayay Isbedelka ka dhacay Waddanka Soomaaliya oo lagu qabtay dalka Sweden (DAAWO SAWIRRO)
- Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed oo si rasmi ah u wareejiya xilka Madaxweynenimo ee Soomaaliya
- Wararkii ugu dambeeyay ee xiisadaha ka taagan deegaannadii lagu dagaalamay ee Gobolka Jubbada Hoose
- Wufuud ay ka mid yihiin: Madaxweynaha dalka Jabuuti, Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya oo soo gaaray Magaalada Muqdisho
- Madaxweynaha Soomaaliya oo ku hanjabay inuu Xarakada Al-shabaab la dagaalami doono haddii ay diiddo Nabadda
- Diyaar-garowga Xafladda Caleemo-Saarka Madaxweynaha Soomaaliya oo ka socota Muqdisho iyo ammaanka oo la adkeeyay