Axad, September 16, 2012 (HOL) — Taliska booliiska maamulka gobolka Hiiraan ayaa warbaahinta uga warbixiyay dilal siyaabo kala duwan uga dhacay galinkii danbe ee maalintii shalay magaalada Baladweyne.
Taliyaha saldhiga baliiska gobollka Cali Dhuux Cabdi Mahad ayaa sheegay in labo ruux oo rayid ah siyaabo kala duwan loogu dillay magaalada saacadihii aynu soo dhaafnay, isaga oo sheegay in ciidamada nabad-galyada gacanta ku hayaan raggii dilalkaasi geystay.
"Waxaa ay ahaayeen runtii labo fal oo naxdin leh, dadka dhintay ee la dillay waxaa ay ahaayeen dad rayid ah, aad ayaan uga xunnahay sida ay wax u dhaceen, durbadiiba ciidamada nabad-galyada howlgal ayeey bilaabeen, waxana u suurta-gashay in markii gacanta lagu dhigo raggii dilka geystay,’’ ayuu yiri taliyaha saldhiga baliiska gobollka.
Bulshada ku dhaqan degmada ayuu ugu baaqay taliyaha baliiska in ay xaalada dajiyaan, madaama ciidamada nabad-galyada ku howlan yihiin sidii falalkaasi dhacay loo waafajin lahaa sharciga, isaga oo ku booriyay shacabka in laga fogaado wax kasta oo sii xumeyn kara amniga degmada.
Galinkii danbe ee maalintii shalay ayeey aheyd markii siyaaabo kala duwan gudaha degmada Baladweyne loogu dillay dad rayid ah, kuwaasoo ilaa iyo hadda aan la ogeyn sababta keentay dilkooda, walow saraakiisha maamulku ay sheegeen in uu socdo baaritaan arintaa ku saabsan.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Baladweyne, Soomaaliya
Taliska Ciidanka Booliiska Maamulka Gobolka Hiiraan oo ka hadlay dilalka siyaabaha kala duwan uga dhaca Baladweyne
More News
- Madaxweynaha cusub oo la wareegay hogaanka dalka, kadib xaflad taariikhi ah oo lagu qabtay Muqdisho (SAWIRRO)
- Madaxweynaha Soomaaliya oo sheegay inuu xoogga saari doono Xasilinta dalka, soo celinta Sharciga iyo Xoojinta Midnimada
- Xaflad lagu Taageerayay Isbedelka ka dhacay Waddanka Soomaaliya oo lagu qabtay dalka Sweden (DAAWO SAWIRRO)
- Dab ka khasaare xooggan geystay oo ka Kacay Suuqa Shidaalka Degmada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose
- Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed oo si rasmi ah u wareejiya xilka Madaxweynenimo ee Soomaaliya
- Wararkii ugu dambeeyay ee xiisadaha ka taagan deegaannadii lagu dagaalamay ee Gobolka Jubbada Hoose
- Wufuud ay ka mid yihiin: Madaxweynaha dalka Jabuuti, Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya oo soo gaaray Magaalada Muqdisho
- Madaxweynaha Soomaaliya oo ku hanjabay inuu Xarakada Al-shabaab la dagaalami doono haddii ay diiddo Nabadda
- Diyaar-garowga Xafladda Caleemo-Saarka Madaxweynaha Soomaaliya oo ka socota Muqdisho iyo ammaanka oo la adkeeyay