4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 26, 2012
Ciidul Adxa oo maanta si weyn looga dabaaldegay Magaalada Nairobi

Jimco, Oktoobar, 26, 2012 (HOL) -Muslimiinta ku dhaqan magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya ayaa maanta siweyn ugu dabaaldegay munaasabadda Ciidda Barakeysan ee Ciidul Adxa , iyadoona la arkayay kumannaan dadweeyne ah oo saladda ciidda ku oogaya fagaareyaal kala duwan.

Soomaalida ku dhaqan xaafadda Eastleigh ee magaalada Nairobi ayaa maanta salaadda ciidda ku oogay fagaareyaal ay kamid yihiin, Siid Cali Clup, Eastleigh High School, Burhan state iyo fagaareyaal kale, waxaana goobahaasi ku sugnaa culumaa’udin halkaasi ka jeediyay khudbado kala duwan.

Fagaaraha weyn ee Siid Cali Clup ayaa waxa isugu yimid dadweeyne aad u fara badan oo isugu jira rag iyo dumar, kuwaasoo halkaasi u yimid si ay uku tukadaan salaadda Ciidda.

“Maanta aad baan u faraxsanahay dareenkeygana, lama qiyaasi karo, waxaan kaloo aad ugu faraxsanahay in wadanka uu ka dhacay isbadal wanaagsan, waxaana rajeyneynaa in ciiddan ciiddeeda aan ugu dabaaldegno gudaha dalkeena hooyo,” sidaa waxa yiri C/qaadir Aadan oo kamid ah dhalinyarada ku dhaqan xaafadda Easleigh ee magaalada Nairobi.

Ciidda barakeysan ee Ciidul Adxa ayaa dadka muslimiinta ah ee Ilaahay wax siiyay waxay uga faa’iideystaan sadaqada, waxaana maalmihii u danbeeyay ay dadka ku dhaqan xaafadda Eastleigh siweyn u ibsanayeen xoolaha nool sida ariga iyo idaha.

Bulshada Muslimka ah ee ku dhaqan Nairobi ayaa maanta laga dheehanayaa farxad iyo reynreyn ku aadan munaasabadda Ciidda, waxayna dadku isugu hambalyeenayaa erayo ay kamid yiiin “Ciid Mubaarak” iyo “Ciid wanaagsan”.

Munaasabadda Ciiddan Barakeysan ee Ciidul Adxa ayaa kusoo beegmeysa xilli isbadal weyn uu ka dhacay dalka Soomaaliya, waxaana umadda Soomaaliyeed ee qaxootiga ku ah wadamada Caalamka oo ay kamid tahay Kenya ay rajo wanaagsan ka muujinayaan in Soomaaliya ay markale cagaheeda isku taagto si ay dib ugu noqdaan dalkooda.

(Filo Sawirro intan ka Badan)
--
Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya