4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 26, 2012
Diyaarado dagaal oo dadka ku nool Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ku qasbay inaysan Tukan Maanta Salaaddii Ciiddul Adxa
Jimco, Oktoobar 26, 2012 (HOL) — Diyaarado dagaal ayaa hakad ka geliyay dadka ku nool degmada Baardheere ee gobolka Gedo inay saakay tukadayaan salaaddii Ciidul Adxa, kaddib markii ay cabsi lasoo daristay dadka ku nool degmadaas oo ay ka taliso Al-shabaab.

Goobjoogayaal ku sugan degmadaas ayaa HOL u sheegay in diyaaradaha dagaalka ay magaalada si aad ah ugu soo dhawaadeen taasna ay keentay in dadku ay ka baqaan inay masaajidda iyo barxada lagu turkado tagaan.

"Shacabka Baardheere ku nool aad ayay u baqeen saakay waayo diyaarado dagaal ayaa magaalada soo dul maray, 70% dadkuna ma aysan tukan saakay," ayuu yiri goobjooge ku sugan degmada Baardheere.

Diyaaradahan dagaal oo la rumeysan yahay inay leedahay dowladda Kenya ayaan wax duqeyn ah ka geysan degmada, iyadoo xoogagga Al-shabaab ay rasaas fara badan ku fureen diyaaradahaas, taasoo sare u qaadday cabsida dadka degmadaas ku nool.

"Inta badan dadka degmada Baardheere ku nool ma aysan tukan maanta, taasna waxaa sababay diyaaradaha, mana jirto wax hadal ah oo ay kasoo saareen saraakiisha Al-shabaab ee degmada ku sugan," ayuu yiri goobjoogaha la hadlay HOL.

Waa markii ugu horreysay oo diyaarado dagaal ay shacab ku nool deegaanka ka tirsan Soomaaliya ka horjoogsadaan inay salaadda ciidda tukadaan, iyadoo xaaladda degmada Baardheere ay haatan tahay mid aad u deggen.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya