3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 26, 2012
Madaxweynaha Soomaaliya oo ugu baaqay Xarakada Al-shabaab inay hubka dhigaan kana qayb-qaataan nabad kusoo celinta dalka
Jimco, Oktoobar 26, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh ayaa ugu baaqay Xarakada Al-shabaab inay hubka dhigaan ayna ka qayb-qaataan dib u soo celinta nabadda Soomaaliya, isagoo sheegay inaan dagaal wax faa'iido ah lagu gaarayn.

Xasan Sheekh wuxuu sheegay inay ka go'an tahay inay nabadda dalka dib u soo celiyaan ayna dowalddu soo dhaweynayso cid walba oo ka qayb-qaadanaysa deib u soo celinta nabadda dalka, wuxuuna shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay dowladda kala shaqeeyaan sidii nabadda loosoo celin lahaa.

"Dhammaan kooxaha hubeysan oo ay Al-shabaab ka mid tahay waa inay hubka iska dhigaan oo ay qayb ka qaataan dib u dhiska dalka iyo nabadeyntiisa," ayuu yiri Xasan Sheekh oo hadal ka jeediyay masjidka Isbahaysiga Islaamka oo uu boqolaal qof kula tukaday salaaddii ciidda ee maanta.

Al-shabaab oo dagaal kula jirta dowladda Soomaaliya ayaan la ogeyn go'aanka ay ka qaadanayso hadalka madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, iyadoo la xusuusto inay horay u sheegeen in dowladda cusub iyo madaxdeeda ay ula dagaalamayso si la mid ah sidii ay ula dagaalantay dowladdii iyo madaxdii ka horreeyay.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dhawaan sheegay inuu la dagalamayo Al-shabaab oo uu ku eedeeyay inaysan doonayn nabad dalkan ka dhalata, iyadoo aan la ogeyn sababta keentay inuu iska bedelo mowqifkiisii hore.

Dowladda Soomaaliya oo xilka haynaysa afarta sano ee soo socda ayaa madaxda hoggaaminaysa waxay dhowr jeer oo hore sheegeen inay xoogga saarayaan sidii ay salka ugu dhigi lahaayeen nabadda dalka, una gaarsiin lahaa shacabku inay soo doortaan hoggaamiyeyaashooda.

Xarakada Al-shabaab ayaa weli ka talisa deegaanno ku yaalla gobollada bartamaha iyo Koonfurta Soomaaliya, sannadkan oo keliya laga qabsaday deeganno ay awood badan ku lahaayeen sida magaalada Kismaayo.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya












Click here
10/26/2012 8:05 AM EST
Jimco, October 26, 2012(HOL): Magaalada Eskilstuna ee Gobolka Sörmaland eedalka Sweden ayaa maanta si weyn looga xusay munaasabadda Ciidul-Adxa, iyadoo dadka Muslimiinta ah ee magaalada ku noolna ay meel ku wada tukadeen salaadda.

10/26/2012 7:26 AM EST
Jimco, October 26, 2012(HOL): Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saaka xarunta Madaxtooyadda marti qaad manaasabadda ciida darteed ah ugu sameeyey Masuuliyiinta Dowladdda federaalka Soomaaliya iyo marti sharaf kale.

10/26/2012 7:01 AM EST
Jimco, Oktoobar, 26, 2012 (HOL) -Muslimiinta ku dhaqan magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya ayaa maanta siweyn ugu dabaaldegay munaasabadda Ciidda Barakeysan ee Ciidul Adxa , iyadoona la arkayay kumannaan dadweeyne ah oo saladda ciidda ku oogaya fagaareyaal kala duwan.

10/26/2012 6:03 AM EST
Jimco, October, 26, 2012 (HOL)- Guud ahaan gobolada Somaliland, ayaa maanta si weyn loogu soo baxay munaasibadda Ciidal Adxa awgeed oo muslimimiintu si weyn u weyneeyaan, isla markaana salaala si balaaadhan loo oogo.

10/26/2012 5:50 AM EST
Jimco, Oktoobar, 26, 2012 (HOL) -- Guud ahaan marka la eego dunida muslimka maanta waxaa si isku mid ah looga dabaal-dagayaa munaasabada Ciidul-adxaa, gaar ahaan dalka Soomaaliya gobollada dalka ay ka socdaan fantisyo kala duwan oo loo dhigay maalinta weyn ee Ciidda.

10/26/2012 5:43 AM EST
Dadweynaha ku nool magaalada Muqdisho ayaa si weyn u ciidaya maanta oo ay tahay maalintii koowaad ee Ciidul Adxa oo ka mid ah labada ciidood ee ay dadka muslimiinta ah ciidaan halkii sanaba, iyadoo madaxda dowladda Soomaaliya ay hambalyo ciiddan ku aaddan u direen shacabka Soomaaliyeed mee walba oo uu joogo.

10/26/2012 4:26 AM EST
Jimco, Oktoobar 26, 2012 (HOL) — Diyaarado dagaal ayaa hakad ka geliyay dadka ku nool degmada Baardheere ee gobolka Gedo inay saakay tukadayaan salaaddii Ciidul Adxa, kaddib markii ay cabsi lasoo daristay dadka ku nool degmadaas oo ay ka taliso Al-shabaab.

10/26/2012 3:32 AM EST
Jimco, Oktoobar 26, 2012 (HOL) — Magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika ayaa si weyn loogu soo baxay salaadda ciidda iyadoo muslimiin aad u fara badan ay buux dhaafiyeen barxadaha lagu dukado salaadaha ciidda ee ku kala yaalla gudaha iyo duleedada magaalada.

10/26/2012 3:21 AM EST
Jimco, Oktoobar 26, 2012 (HOL) — Ciidanka Milatariga Somaliland, ayaa hawlgalo ay sameeyeen deegaanka galbeedka Somaliland ku soo qabqabtay dad ka baayac mushtareeya tahriibiinta dadka, kuwaas oo isku xidhnaa ilaa magaalada Muqdisho, oo dadka tahriibaya soo anbabixiye, ahaydna sil silid dheer oo magalooyinka la marayo dadka soo dhaafiya, waxaana la sheegay in bilihii u dambeeyey si xawli ah ay u isticmaalaan dadka tabriibka ahi jidka Lawyo-cado una gudba xaga Jabuuti.