Khamiis, November 15, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku sheegay khudbad uu jeediyay xalay in dowladdu ay si cad ula xisaabtami doonto hay'adaha kala duwan ee maaliyadda, isagoo sheegay in tani ay hordhac inaan lagu takri-falin hantida dowladda soo gasha.
Xasan Sheekh wuxuu sheegay in dowladdiisu ay xoogga saari doonto dhismaha hay'adaha kala duwan ee dowladda iyo la xisaatankooda, isagoo sheegay inay ka shaqeynayaan inay beeniyaan in Soomaaliya uu ka jiro musuqmaasuq baahsan.
"Dowladdu waxay xoogga saari doonnaa dhismaha hay'daaha maaliyadda, kuwaasoo ay ka mid yihiin: wasaaradda maaliyadda, bankiga dhexe, xisaabaadka guud iyo hanti-dhowraha guud," ayuu yiri yiri Xasan Sheekh oo sheegay inay la xisaabtami doonaan dhammaan haya'dahan si ay Soomaaliya uga harto magacyada xunxun ee lagu dhajiyay la xisaabtan ma lahan, shafaafiyad ma lahan iyo musuqmaasuqu wuxuu gaaray meel sare.
Madaxweynuhu wuxuu sheegay in hay'adahan ay ka rajeynayaan inay shaqooyinka loo igmaday kasoo baxaan; isagoo intaas ku daray in shacabka Soomaaliyeed aysan istaahilin in loogu yeero magacyo xun-xun.
"Shakhsiyaad yar oo naga tirsan oo iyagu ku takri-falay awooddii dowladnimada ee la siiyay ama ammaanadii daycay inay magac xumo dalkan u soo jiidaan suurogal ma ahan, waxaana u istaagaynaa inaan hor-istaagno in wax yar ee aan haysanno lagu takri-falo," ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.
Dhanka kale; madaxweynuhu wuxuu ka hadlay dhulka dowladda ee la dhistay isagoo sheegay in dhulka dowladda uu yahay dhul dowladeed markii ay dowladdu u baahantana ay ka saarayso dadka ku dhaqmayay muddada dheer.
"Dhul kasta oo dhul dowladeed ahaa 26-kii Jannaayo 1991-kii weli waa dhul ay leedahay dowladda Soomaaliya; waxaan uga digaynaa shacabka dhistay inay u qaataan inay iyagu leeyihiin, qofkii ku dhaqmay waxaan u sheegaynaa inuusan is-lahaysiin," ayuu yiri Xasan Sheekh.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa tan iyo xalay jeedinayay khudbadyo kala duwan oo ku saabsan waxqabadka dowladda horyaalla, waxaana hadalladiisan ay kusoo beegmayaa xilli la ansixiyay xukuumadda Soomaaliya lana dhaariyay maanta oo Khamiis ah.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
Madaxweynaha oo sheegay in lala Xisaabtamayo Hay'adaha Maaliyadda ee Dowladda si looga hortago Musuqmaasuqa
More News
- Culumaa'uddiin Soomaaliyeed oo go'anno kasoo saaray kulan diimeed ay ku yeesheen Magaalada Muqdisho
- Ururrada Bulshada Rayidka Soomaaliya oo Taageeray Xukuumadda Cusub ee Soomaaliya talooyinna u jeediyay
- Golaha Wasiirrada Xukuumadda Somalia oo Intooda badan lagu hordhaariyay Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya
- Mas'uuliyiinta Maamulka Gobolka Hiiraan oo baaq u diray Xukuumada Somalia ee dhawaan uu Baarlamaanku Ansixiyay
- Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Maxamed Dheere oo Muqdisho ku Geeriyooday
- Guddigii Farsamo ee gaaray Degmada Kismaayo oo kulamo la leh odoyaasha beelaha dega Gobollada Jubbooyinka
- Xarakada Al-shabaab oo uga digtay shacabka ku nool Shabeellada Hoose inay raacaan Gaadiidka Muraayadaha Madow
- Dowladda Uganda oo sheegtay inay ka laabatay go'aan ay ciidamadeeda uga saari lahayd dalal ay ku jirto Soomaaliya
- Madaxweynaha Somalia oo sheegay in Dowladdu ay Mas'uul ka tahay Maamul u sameynta Gobollada Jubbooyinka