![]() |
"Waxaa la doonayay in maanta loogu qaado dalka dibaddiisa arrimo caafimaad , balse waxaa ku dhacay amarkii Alle wuuna geeriyooday," ayuu yiri Cabdifitaax Ibraahim Sabriye (Shaaweeeye) oo ahaa guddoomiye ku xigeenkii gobolka Banaadir xilligii Maxamed Dheere.
Duqii Muqdisho ayaa xanuun awgiis u yaallay maalmihii lasoo dhaafay isbitaal ku yaalla Xalane oo ay leeyihiin ciidamada AMISOM, iyadoo Cabdifitaax Shaaweeye uu sheegay in isla maanta lagu aasi doono Muqdisho, iyadoo aysan madaxda dowladda Soomaaliya ka hadlin geerida ku timid guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir.
Maxamed Dheere ayaa wuxuu soo noqday guddoomiyihii gobolka Shabeellada dhexe iyadoo lagu xusuusto inuu ahaa hoggaamiyihii dowladdii lagu soo dhisay dalka Kenya kusoo dhaweeyay Jowhar, halkaasoo ay ku shaqeynaysay muddo sannad ka badan.
Dhanka kale, Maxamed Dheere waxaa lagu xusuustaa inuu ahaa shaqsi inta badan eedeyn jiray mas'uuliyiinta dowladda Soomaaliya iyo maamulka gobolka Banaadir, wuxuuna tan iyo markii laga qaaday xilka maamulka gobolka Banaadir uu ku noolaa magaalada Muqdisho.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
