Khamiis, November 15, 2012 (HOL) — Xarakada Al-shabaab oo dagaal kula jirta dowaldda Soomaaliya ayaa uga digtay shacabka inay raacaan gaadiidka muraayadaha madow, gaar ahaan kuwa mara deegaannada ay gobolka Shabeellada hoose ee ay ka taliso dowaldda Soomaaliya.
Guddoomiyihii gobolka Shabeellada Hoose ee Al-shabaab, Sheekh Maxamed Abuu-Cabdalla ayaa sheegay in howlgallo ay kaga horjeedaan ciidamada dowlada ay ka wadaan deegaanno ka tisran gobolka Shabeellada hoose, isagoo sheegay inay si gaar ah u beegsanayaan gaadiidka muraayadaha madow.
"Shacabka ku nool gobolka Shabeellada hoose waxaan uga digaynaa inay raacaan gaadiidka muraayadaha madow si aan loogu qaldamin, "ayuu yiri Sheekh Maxamed Abuu-Cabdalla oo intaas ku daray inay weeraro dhabo-gal ah ku qaadi doonaan gaadiidka mara wadooyinka gobolka Shabeellada Hoose.
Sidoo kale, Xarakada Al-shabaab waxay sheegtay inay howgallo ay ka sameeyeen deegaanka Yaaq-bari-weynne ay ku dileen sarkaal ka tirsan cidamada dowladda Soomaaliya inkastoo uusan jirin war ku saabsan arrintan oo kasoo baxay dowladda Somaaliya.
Xarakada Al-shabaab oo laga qabsaday bilihii lugu dambeeyay degmooyin ay ka mid yihiin Afgooye, Wanlaweyn iyo Marko oo dhammaantood ka tirsan gobolka Shabeelada hoose ayaa waxay weerarro gaadmo ah la beegsanayeen gaadiidka ay wataan ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.
Digniintan kasoo baxday Al-shabaab ayaa waxay noqonaysaa tii ugu horreysay oo ay soo saaraan tan iyo markii laga qabsaday deegaanno gobolkaas ka tirsan, iyadoo kooxdan ay weli gacanta ku hayso degmooyin iyo deegaanno badan oo ka tirsan gobolka Shabeellada hoose.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
Xarakada Al-shabaab oo uga digtay shacabka ku nool Shabeellada Hoose inay raacaan Gaadiidka Muraayadaha Madow
More News
- Culumaa'uddiin Soomaaliyeed oo go'anno kasoo saaray kulan diimeed ay ku yeesheen Magaalada Muqdisho
- Madaxweynaha oo sheegay in lala Xisaabtamayo Hay'adaha Maaliyadda ee Dowladda si looga hortago Musuqmaasuqa
- Ururrada Bulshada Rayidka Soomaaliya oo Taageeray Xukuumadda Cusub ee Soomaaliya talooyinna u jeediyay
- Golaha Wasiirrada Xukuumadda Somalia oo Intooda badan lagu hordhaariyay Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya
- Mas'uuliyiinta Maamulka Gobolka Hiiraan oo baaq u diray Xukuumada Somalia ee dhawaan uu Baarlamaanku Ansixiyay
- Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Maxamed Dheere oo Muqdisho ku Geeriyooday
- Guddigii Farsamo ee gaaray Degmada Kismaayo oo kulamo la leh odoyaasha beelaha dega Gobollada Jubbooyinka
- Dowladda Uganda oo sheegtay inay ka laabatay go'aan ay ciidamadeeda uga saari lahayd dalal ay ku jirto Soomaaliya
- Madaxweynaha Somalia oo sheegay in Dowladdu ay Mas'uul ka tahay Maamul u sameynta Gobollada Jubbooyinka