Guddoomiyaha maxkamadda sare ee Soomaaliya, Avv. Caydiid C/llaahi Ilko-xanaf ayaa dhaariyay wasiirrada, waxayna wasiirradu ballan-qaadeen inay howshooda u gudan doonaan si daacadnimo ah oo ay ku jirto danta dalka, dadka iyo diinta.
Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shir-doon (Saacid) ayaa sheegay in xukuumadda uu hoggaaminayo ay kasoo bixi doono howlaha loo xilsaaray, isagoo sheegay inay ka go'an tahay inay Soomaaliya ka samata-bixiyaan xaaladda ay ku jirto, isagoo xildhibaannada iyo shacabka Soomaaliyeed ka codsaday inay gacan ku siiyaan gudasha waajibaadkooda.
Wasiirradda wasaaradda horumarinta iyo adeegga bulshada, Maryan Qaasim Axmed oo hadashay markii la dhaariyay kaddib ayaa sheegtay inay ogyihiin mas'uuliyadda weyn ee saaran iyo dhaarta ay u dhaarteen inay dalkooda wax ka qaban doonaan, iyadoo xustay inay ka go'an tahay inay ku shaqeeyaan daacadnimo iyo hufnaan.
Mudanayaasha baarlamaanka ayaa aad ugu sacab-tumay markii la dhaariyay wasiirrada, waxaana la arkayay xildhibaanada oo muujinaya sida ay ugu qanacsan yihiin in la dhaariyo xukuumaddiisa ay maalmo ka hor ku ansixiyeen cod aqlabiyad ah.
Prof. Jawaair oo khadubad dheer ka jeediyay xafladda dhaarinta ayaa golaha cusub ee wasiirrada Soomaaliya kula dardaarmay inay xilalkooda u gutaan si daacadnimo ay ku jirto, ayna ogaadaan in looga baahan yahay inay dalka u horseedaan ammaan iyo dimuqraadiyad.
Golaha wasiirrada ee maanta la dhaariyay ayaa waxay ka kooban yihiin 10 xubnood oo keliya, kuwaasoo ay laba ka mid ah yihiin haween, waxaana xukuumaddan ay noqonaysaa tii ugu tirada yarayd ee laga dhiso Soomaaliya xilliyadii ugu dambeeyay.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya