4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 5 , 2012
Shirkii Odayaasha Dhaqanka Soomaaliyeed oo Muqdisho ka furmay (SAWIRRO)


Sabti, May 05, 2012(HOL): Shirkii Odayaasha Dhaqanka Soomaaliyeed ee aayo-ka-talinta dalka Soomaaliya ayaa maanta ka furay xarunta dugsiga sare ee booliska ee magaalada Muqdisho.

Shirka oo ay ka soo qeybgaleen oday dhaqameedyo ka socday beelaha Soomaaliyeed ayaa wuxuu socon doonaa muddo 9 maalmood ah, iyadoo mudadaasna ay odayaasha ku soo xuli doonaan ergooyin Soomaaliyeed oo ansixin doona qabyo qoraalka dastuurka, iyadoo kaddibna loo gudbi doono soo xulista Xubnaha Baarlamaanka Soomaaliyeed.

Marka laga guuleysto soo xulista xubnaha Baarlamaanka ayaa waxaa loo gudbi doonaan soo doorashada guddoomiyaha Baarlamaanka, Madaxweynaha oo isna ra’iisal wasaare soo magacaabi doona.

Furitaankii shirka maanta furmay oo ay ka qeybgaleen madaxda sare ee dowladda sida Madaxweynaha, Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Ra’iisal Wasaaraha, xubno ka socday labada gole ee dowladda iyo weliba xubno kale oo ka socday dalalka iyo ururrada daneeya arrimaha Soomaaliya.


Madaxda dowladda Soomaaliya oo si weyn ula dhacsanaa in shirkii ugu horreeyay oo arrimaha Soomaaliya looga hadlayo lagu qabto gudaha Soomaaliya ayaa waxay odayaasha dhaqanka u sheegeen in mas’uuliyad weyn saaran tahay, isla markaana looga baahan yahay in ay dalka u horseedaan in uu ka baxo nidaamka KMG ah uuna gudbo nidaam dowlad buuxd oo loo dhan yahay.

Shirkan lagu ansixinayo Dastuur uu yeesho dalka Soomaaliya, kaddibna lagu soo xulayo Xubnaha Baarlamaanka ayaa wuxuu noqonayaa shirkii ugu horreeyay oo heerkiisa ah oo lagu qabto gudaha Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Muqdisho, waxaana shir gogol-xaar u ahaa dowlado Soomaaliya loo dhisay lagu qabtay dalalka deriska la ah Soomaaliya.

Ammaanka goobta uu shirka ka dhacay  iyo waddooyinka ku dhow dhow ayaa ammaankooda si weyn loo adkeeyay, waxaana ammaanka sugayay Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo Ciidamada Amisom.









Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]