4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 5 , 2012
Xildhibaan Sheekh Aadan Madoobe oo sheegay inay Wadahadallo kula jiraan Saraakiil ka tirsan Xarakada Al-shabaab

Sabti, May 05, 2012 (HOL) — Xildhibaan Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo shalay kasoo laabtay dalka Itoobiya oo ay safar ku joogeen isaga iyo xildhibaan Maxamed Ibraahim Xaabsade haddana ku sugan degmada Xudur ee gobolka Bakool ayaa sheegay inay wadahadallo hoose kula jiraan xubno ka tirsan Xarakada Al-shabaab.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa hadalkan ku sheegay wargeysi uu siiyay VOA-da isagoo diiday inuu sheego magacyada xubnaha uu kula jiro wadahadalka, balse wuxuu ku adkeystay inay wadahadalka wadayaan inta ay natiijo ka gaarayaan.

"Ma doonayno inaan hadda sheegto xubnaha aan wadahadalka kula jirno, waayo waxaan ka baqaynaa in waxyeello loo geysto," ayuu yiri xidlhibaanka oo ku sugan degmada Xudur ee xarunta gobolka Bakool.

Wadahadalladan ayuu sheegay inay xudun yihiin sidii nabad loogu soo dabbaali lahaa gobollada Bay iyo Bakool, isagoo sheegay in dhawaan ay rajeynayaan inay ku tagaan degmada Baydhabo oo 180-km u jirta degmada Xudur gadiid, ayna ka bixi doonaa inay diyaarado isaga raacaan labada degmo oo aad isugu dhow.

Xidlhibaanka ayaa mar uu ka hadlay socdaalkii ay ku tageen dalka Itoobiya ayaa sheegay inuu ahaa mid looga xaajoonayay sidii loo sii wadi lahaa howgallada looga horjeedo Al-shabaab ee ka socda gobollada Bay iyo Bakool.

"Markii aan ogaannay in Al-shabaab aysan la dagaalamayn ciidamada Itoobiya oo ay isaga baxayaan magaalo walba si ay hadhow u soo weeraraan goobaha ay ka baxaan ciidamada Itoobiya ayaan go'aansannay inaan Itoobiya tagno si aan ugu boorrinno madaxda dalkaas in howgallada ay wadaan ciidamada Itoobiya ay sii socdaan," ayuu yiri Sheekh Aadan Madoobe.

Degmada Xudur ayaa waxay ka mid tahay degmooyinkii ay ciidamada DKMG ah oo garabsanaya kuwa Itoobiya ay ka qabsadeen xoogagga Al-shabaab horraantii sannadkan, inkastoo degmooyinka kale ee gobolkaas ay weli gacanta ku hayso Al-shabaab.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya