4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 5 , 2012
Kenya oo walaal ka muujinaysa dhallinyaro Kenya ah oo ay sheegeen inay Al-shabaab tababar kusoo siisay Soomaaliya

Sabti, May 05, 2012 (HOL) — Taliyaha ciidamada booliiska Kenya, Mathew Iteera oo Jimcihii shalay saxaafadda kula hadlay magaalada Nairobi ayaa sheegay in amaanka dalkiisa ay khatar ku hayaan boqolaal dhallinyaro Kenyan ah oo lagu soo tababaray Soomaaliya.

Mr. Iteere ayaa sheegay inay hayaan magaca iyo sawirka wiil ay uga shakisan yihiin inuu ka dambeeyay weerar bam oo Axaddii lasoo dhaafay lagu weeraray kaniisad ku taalla bartamaha magaalada Nairobi, kaasoo sababay dhimashada laba qof iyo dhaawaca 15-qof oo kale.

Booliiska Kenya ayaa ku sheegay magaca wiilka ay ka shakisan yihiin Ilyaas Amar kaasoo ay soo bandhigeen sawirkiisa, balse ma sheegin da'diisa. Waxaana saraakiishu ay aad ugu adkeysanayaan in ruuxan uu yahay kii kaniisadda weeraray.

"Hoggaamiyaha Al-shabaab, Sheekh Ismaaciil Cali ayaa sheegtay mas'uuliyadda weerarka wuxuuna wacad ku maray inuu weerarrada bambaano sii wadi doono," ayuu yiri Iteera.

Afhayeenka booliiska Kenya, Eric Kiraithe ayaa isna sheegay in Ilyaas uu yahay ruux u dhashay dalka Kenya, isagoo sheegay inuusan ka mid ahayn bulshada Sooomaaliyeed ee Kenya ku nool.

Xukuumadda Kenya ayaa horay ugu xukuntay xabsi daa'in wiil dhallinyaro ah oo lagu magacaabo, Elgiva Bwire Oliacha oo 28-jir ahaa kaddib markii uu qirtay inuu mas'uul ka ahaa weerar bambaano oo lagu qaaday goob basaska laga raaco oo Nairobi ku taalla sannadkan billowgiisii.

Bishii Maaro ee sannadkan ayaa weerar bambaano oo ka dhacay bartamaha Nairobi waxaa ku dhintay sagaal qof iyadoo ay ku dhaawacmeen 40-qof oo kale, iyadoo ay sheegeen booliiska in weearradii bambaano ee ka dhacay Kenya tan iyo dhamaadkii sannadkii hore ay ku dhinteen 40-ruux oo Kenyan ah.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya