4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 13, 2012
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo la kulmay Madaxweynaha & Ra’iisul Wasaaraha Kenya


Arbaco, June 13, 2012(HOL):-Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Professor Cabdiweli Maxamed Cali oo booqasho rasmi ah ku jooga Kenya ayaa maanta kulamo la kala qaatay Madaxweynaha Dalka Kenya Mudane Mwai Kibaki iyo Ra’iisul Wasaaraha Kenya Raila Odenga. Kulanka Madaxweynaha Kibaki ayaa ahaa kii ugu horreeyey ee dhex mara Ra’iisul Wasaare Cabdiweli iyo Madaxweyne Kibaki.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa labadan mas’uul kala hadlay xiriirka labada dal, howlgaladda AMISOM iyo Ciidamada Dowladda ee gobolada jubbooyinka, iyo qorshaha dhameystirka Roadmap-ka.

Ugu horreyntii Ra’iisul Wasaare Abdiweli ayaa u mahadceliyey Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha Kenya sida sharafta badan oo ay qaabilaadda u dhacday iyo soo dhoweyntaba, isla markaana uu uga tacsiyeeyey geeridii naxdinta laheyd ee dhowaan ku timid Wasiirkii Amniga Kenya Prof Saitoti iyo mas’uuliyiintii la saarneyd diyaaradda helikobter-ka. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya isagoo ku hadlaya magaca Dowladda iyo kan shacabka Soomaaliyeed waxuu tacsi u direy eheladii, qaraabadii iyo dhammaan shacabka Kenya, isagoo sheegay in Prof Saitoti uu ahaa shaqsi ruug cadaa siyaasi ah isla markaana kaalin weyn ka qaatay howlgaladda looga soo horjeedo kooxaha Al-Shabaab.


Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa xaaladda dalka ka warbixiyey isla markaana uga mahadceliyey Madaxweyne Kibaki iyo dowladdiisa sida ay gacanta uga geysanayaan howlgaladda looga soo jorjeedo Al-Shabaab oo lagu soo celinayo amnigii iyo kala danbeyntii dalka Soomaaliya. Waxuuna sheegay in Dowladdu ay horumar ballaaran ka sameysey dhanka amniga, iyo dhammaan dhaqangelintii Roadmap-ka. Ra’iisul Wasaarahu waxuu sheegay in Dastuurka la filayo in dhowaan 825 Ergo ka kooban dhammaan qeybaha bulshada Soomaaliyeed ay ku ansixin doonaan Muqdisho, isla markaana ay Madax Dhaqameedka Soomaaliyeed soo xuli doonaan xubnihii Baarlamaanka cusub si bisha Augusto loo doorto Guddoomiyaha Barlamaanka iyo Madaxweynaha Dalka oo halkaas lagu soo afjaro Xilliga KMG ah.

Madaxweyne Kibaki iyo Ra’iisul Wasaare Raila ayaa soo dhoweeyey Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya kuna ammaanay dadaalada horumarka leh ee socda ee lagu soo afjarayo xilliga KMG ah iyo dhameystirka dhaqangelinta Roadmap-ka. Madaxweyne Kibaki iyo Ra’iisul Wasaare Raila waxey sheegeen in Dowladda Kenya ay marwalba diyaar u tahay sidii Soomaaliya looga saacidi lahaa oo ay cagaheeda isu taagi laheyd oo uu sheegay in dan ugu wada jirto dhammaan deegaanka.

Madaxweyne Kibaki ayaa sheegay in rajada maanta laga qabo Soomaaliya ay aad u ballaarantahay loona baahanyahay in si wadajir ah la isaga kaashado sii dhameystirka howlaha muhiimka ah. Waxuuna sheegay in beesha caalamka looga baahanyahay inay gacan buuxda ka geystaan dadaalada socda si loo soo afjaro collaadaha oo loo helo dowlad Soomaaliyeed oo hanata amniga iyo kala danbeynta.


Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Prof Cabdiweli Maxamed Cali ayaa wada dadaalo uu beesha caalamka uga dhaadhicinayo sidii ay gacan buuxda uga geysan lahaayeen dhameystirka dhaqangelinta Roadmap-ka. 10kii bilood ee ugu danbeysey waxaa lagu guuleystay arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin sugidda amniga, xiriirka dowladda iyo maamulada dalka, dhameystirka Dastuurka, iyo xiriirka beesha caalamka oo maanta u soo jeeda arrimaha Soomaaliya. Waxaa dhowaan la filayaa in bisha July la ansaxiyo dastuurka, isla markaana la soo xulo baarlamaanka cusub si August loo soo afjaro KMG ka oo loo helo dowlad rasmi ah oo taam ah oo u adeegta bulshada Soomaaliyeed.