4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 13, 2012
Xukuumadda Soomaaliya oo sheegtay in Aas Qaran ay u sameynayso Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya

Arbaco, June 13, 2012 (HOL) — Afhayeenkii baarlamaanka Soomaaliya ee sannadihii 1966-kii illaa 1969-kii, Sheekh Mukhtaar Maxamed Xuseen ayaa shalay ku geeriyooday magaalada Nairobi ee dalka Kenya, iyadoo dowladda KMG ah ay sheegtay in loo sameynayo aas Qaran iyo baroor-diiq.

Marxuumka ayaa muddo afar sano ah ahaa guddoomiyaha baarlamaanka, waxaana laga soo dooran jiray degmada Xudur ee gobolka Bakool, isagoo madaxweyne kasoo noqday Soomaaliya muddo hal toddobaad ah, kaddib markii la dilay madaxweynihii Soomaaliya, C/rashiid Cali Sharma'ake.

"Sheekh Mukhtaar wuxuu bedelay guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Soomaaliya, Axmed Sheekh Maxamed Absiiye," ayuu yiri Maxamed Ciise Turunji oo baarlamaankii Soomaaliya ka ahaa turjubaannada muddadii ay jireen dowladaha rayidka ah ay jireen.

Marxuumka ayaa wuxuu ka mid ahaa xubnihii la socday markii madaxweynihii hore ee Soomaaliya lagu dilay gobolka Sool, waxaana xilka kala wareegay ciidamadii xoogga dalka oo uu horkacayay Jen. Maxamed Siyaad Barre.

Golaha wasiirrada Soomaaliya oo kulan deg-deg ah ku yeeshay Muqdisho ayaa waxay sheegeen in muddo saddex maalmood ah calanka Soomaaliya hoos loo dhigayo, loona sameynayo marxuumka aas Qaran, iyagoo sheegay inuu ahaa mas'uul waddani ah.

Kulankii golaha wasiirrada ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay taariikhada kooban ee maxuumka iyadoo la sheegay inuu ku dhashay magaalada Xudur ee gobolka Bakool, uuna soo noqday guddoomiyihii ururka SYL ee gobolka Jubbada sare.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya