4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 10, 2012
Guddiga Madaxa-Bannaan ee Qabyo-Qoraalka Dastuurka oo sheegay in Dastuurku uu weli Gacantooda ku jiro Meel Wanaagsanna Marayo

Axad, June 10, 2012 (HOL) — Guddiga madaxa-bannaan ee dastuur u sameynta Soomaaliya ayaa warsaxaafadeed ay maanta kasoo saareen kulan ay ku yeesheen Muqdisho waxay ku sheegeen in dastuurka uu weli gacantooda ku jiro, ayna bishan 16-keeda u gudbin doonaan qaybaha bulshada si ay talooyin uga bixiyaan.

War-saxaafadeedka guddigan ayaa imaanaya iyadoo wasiirka dastuurka iyo arimaha federaalka DKMG ah ee Soomaaliya, C/raxmaan Xoosh Jabriil uu sheegay in maalinta Talaadada ah ee soo socota nuqullada dastuurka loo gudbin doono odayaasha dhaqanka.

"Qabyo-tirka iyo dhameystirka dastuurka waxaa u xilsaaran guddiga madaxabanaan ee qoraalka dastuurka, howsha wasaaradduna waa inay u fududeyso guddiga sidii uu howlihiisa u gudan lahaa, balse wax shuqul ah kuma lahan qabyo-qoraalka dastuurka," ayaa lagu yiri warka uu guddigu soo saaray maanta oo Axad ah, kaasoo uu saxiixnaa guddoomiyaha guddigan C/llaahi Xasan Jaamac.

Guddiga ayaa waxay shirkooda kasoo saareen afar qodob oo u qoraan sidan:

  1. Bishan Juun 16-keeda guddigu wuxuu u gudbin doonaa qormo-labaadka qabyo-qoraalka dastuurka culummaa'uddiinka, odayaasha dhaqanka, dhaqaale-yahannada iyo qareennada Soomaaliyeed si ay u darsaaan talooyin waafi ahna uga soo jeediyaan, si loo turxaan-bixiyo qabyo-qoraalka dastuurka.
  2. Bishan 20-keeda sida qorshuhu yahay waxaa loo gudbin doonaa nuqulka kama dambeysta ah golaha ansixinta dastuurka oo guddiga madaxa-bannaan iyo guddiga khuburadu ay ka kaalmeyn doonaan ka doodidda nuqulka.
  3. Guddigu wuxuu horay ula socodsiiyay marxaladaha dastuurka madaxda sare ee dalka si ay talooyinkooda uga dhiibtaan. Talooyinkoodii oo mideysanna waxay u soo gudbiyeen guddiga madaxa-bannaan ee dastuurka iyo khuburada.
  4. Guddigu wuxuu ka qaybgaleen qado-sharafeed odayaasha-dhaqanka uu u fidiyay madaxweynaha Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, waxaana guddoomiyaha guddiga madaxa-bannaan C/llaahi Xasan Jaamac uu ka sheegay kulankaas jadwalka loogu talo-galay inuu ku socdo dhameystirka dastuurka. iyadoo madaxweynuhuna uu guddiga u qiray inay yihiin kuwa keliya oo sharciyada u leh dhameystirka iyo bandhigidda dastuurka.

Sidoo kale, guddigu wuxuu warsaxaafadeedkiisa ku sheegay in dastuurka uu ku jiro gacantooda, cid kale oo howshaas loo xilsaarayna aysan jirin, waxayna xuseen in wasaaraddu ay howsheeda tahay fududeyn oo keliya.

Ugu dambeyn, guddiga madaxa-bannaan ee dastuurka waxay warsaxaafadeedka ku sheegeen in guddiga khuburada ah oo ay isla shaqeeyaan ay ku mideysan yihiin war-murtiyeedkan ay uga hadlayaan dhameystirka qabyo-qoraalka dastuurka.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Onilne
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya