4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 10, 2012
Wasiirkii Amniga Gudaha ee Kenya iyo ku-xigeenkiisii oo ku dhintay shil diyaaradeed oo ka dhacay Duleedka Nairobi

Axad, June 10, 2012 (HOL) — Wasiirka amniga gudaha Kenya Prof George Saitoti iyo kuxigeenkiisa Orda Ojode iyo afar kale ayaa maanta ku dhintay shil diyaaradeed oo ka dhacay Duleedka magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya.

Dhimashada wasiirka ayaa waxa warbaahinta u xaqiijiyay madaxweeyne ku xigeenka dalka Kenya Kolonzo Musyoka, waxa uuna sheegay in wasiirka, kuxgeenkiisa, laba kamid ah ilaaladiisa iyo weliba laba Duuliye ay ku geeriyoodeen shilka diyaaradeed.

Burburka diyaaradeed ayaa waxa uu ka dhacay keynta Ngonge oo katirsan deegaanka Kibuku, iyadoona ay halkaasi ku dhinteen wasiirka amniga, kuxigeenkiisa, labadiisii ilaalo iyo weliba laba Duuliye.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa sheegay in dhacdadani ay ahayd mid xanuun badan oo lama filaan ah, wuxuuna tacsi u diray ehellada ay ka geeriyoodeen dadkii ku dhintay shilka diyaaradeed.

Diyaarada ay ku safrayeen masuuliyiintani oo ahayd nooca Helicopterka loo yaqaan ayaan ilaa imika la garaneyn cilada keentay burburkeeda, waxaana goobjoogayaal ka agdhowaa goobta ay diyaarada ku dhacday ay warbaahinta u sheegeen in ay arkeen diyaarada oo uu holac ka baxayo islamarkaasina kusii dhaceyso dhul howd ah.

Madaxweeynaha dalka Kenya Mwai Kibaki ayaa sheegay in dhimashada wasiirka amniga gudaha, kuxigeenkiisa, labada Duuliye iyo labada ilaalo ay ahayd arin masiibo ah, waxa uuna sheegay in dhimashada masuuliyiintaasi ay dowladda Kenya u tahay khasaare lixaad leh.

Goobta ay diyaarada ku dhacday ayaa waxa imika gaaray ciidamo katirsan Booliska Kenya, waxaana goobta laga soo qaaday meydka dadkii ku waxyeeloobay burburka diyaarada.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya