4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 10, 2012
Xukuumadda Somaliland oo iska fogaysay eeddo ku saabsan Xukun Maxkamadeed oo kaga yimid Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka

Axad, June 10, 2012 (HOL) — Xukuumadda Somaliland, ayaa iska fogaysay inay wax lug ah ku lahayd go’aankii maxkamadda gobolka Hargeysa ka soo baxay ee lagu xukumay masuuliyiintii lagu eedeeyey lunsiga Raashinka Mucaawimadda, taas oo baryihii u dambeeyey xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Somaliland ku eedeeyeen inay xukuumaddu farogalisay kiiskaasi.

Wasiirka Warfaafinta Somaliland oo ah afhayeenka Xukuumadda ayaa sheegay in aanay ka suurtogalin in arrimaha maxkamadaha ay xukuumaddu farogaliso, isla markaana aanay Wax shaqo ah ku lahayn xukunkii maxkamadda gobolka Hargeysa ku xukuntay saddex masuul oo lunsi Raashin lagu eedeeyey.

"Madaxweynaha Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo weligii dhaqan uma ay ahayn, maantana uma aha, in uu faro-geliyo arrimaha ka socda maxkamadaha Somaliland, oo ah dhardhaar ka madaxbannaan fulinta iyo sharci-dejintaba. Sida oo kale xukuumaddan maanta ee Somaliland caado uma aha in ay faro-geliso ama ay daaha dabadiisa ka maamusho arrimaha hor yaal garsoorka Somaliland"ayuu war-saxaafadeed ka soo baxay wasiirka Warfaafinta Boobe Yuusuf Ducaale ku sheegay in aanay shaqo ku lahayn kiiskaasi lagu edeeynayo.

"Maxkamadaha Somaliland waxay go’aammo dhaxal-gal ah oo loo wada riyaaqay oo aan dhinac ka rarnayn ka qaateen arrimo siyaasadeed oo aad u murugsanaa. Maxkamadaha Somaliland waxay go’aammo ka qaateen murannadii ka dhex aloosmay Xisbiyada UCID iyo UDUB. Shacbiga Somaliland aad ayay ugu bogeen go’aammadaa caddaaladda iyo garsoorka suubban ku qotomay"ayuu raaciyey wasiirku, isagoo intaas ku daray "Caqliga fayoobi wuxuu ina tusayaa in Madaxweynaha iyo Xukuumadda faro-gelin waayay arrimahaa siyaasadeed aanay ku dhiirranayn ama dani ugu jirin in ay ku lug yeelato dacwad caadiya oo ka socota maxkamadaha".

Wasiirku waxa kale oo uu sheegay warar sheegaya in madaxweynuhu doonayo inuu cafis u fidiyo masuuliyiintan xidhan mar haddii la xukumay, maadaama oo madaxweynuhu awood u leeyahay inuu cafis u fidiyo, isagoo arirntaasi ka hadlaya waxa uu yidhi "Waxa aan halkan ku caddaynaynaa in aanay cidina Madaxweynaha ka codsanin saamaxaad, isla markaana aanu Madaxweynuhu cidna farin af iyo qoraal midna, in uu saamaxaad u fidiyay mas’uulintaa la xukumay.Madaxweynaha iyo Xukuumadda Somaliland waxay mar walba ixtiraamayaan go’aammada ka soo baxa maxkamadaha garsoorka".

Si kastaba ha ahaatee, go’aanka ka soo baxay maxkamadda gobolka Hargeysa, ayaa maalmahan u dambeeeyey ahaa waxyaalaha loogu hadal haynta badan yahay bulshadda dhexdeedda, maadaama oo baddi dadweynuhu xukunkan ku tilmaameen mid aan hab cadaalad ah ku dhicin.

Barkhad-Ladiif M. Cumar
[email protected]
Hargeysa, Somaliland