9/24/2018
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 1 , 2012
Dalalka ay Ciidamadu ka joogaan Soomaaliya oo berri ku kulmaya Magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya


Jimco, June 01, 2012 (HOL) — D ay ciidamadu ka joogaan Soomaaliya ayaa laug wadaa inay maalinta berri ah uu shir uga furmo magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, kaasoo ay uga hadli doonaan wejiga labaad ee howgalka ay Soomaaliya ka wadaan.

Waraka ayaa sheeagaya in kulankan lagu dejin doonaa qorshe ciidan oo ka dhan ah Xarakada Al-shabaab, kaasoo ujeeddadiisu tahay sidii afar aag looga billaabi lahaa dagaallo ka dhan ah Al-shabaab.

Afhayeenka wasaarada arrimada dibedda Itoobiya, Dina Mufti ayaa sheegay in kulankan ay ka qayb-galayaan wasiirada difaaca iyo taliyeyaasha ciidamada dalalka Uganda, Burundi, Jabuuti, Kenya iyo Itoobiya oo ay ciidammo ka joogaan Soomaaliya.

"Qorshaha ciidan ee la dajinayo waa mid lagu eegayo sidii afar aag looga weerari lahaa Al-shabaab, si looga saaro goobaha ay kaga sugan yihiin Soomaaliya," ayuu yiir Dina Mufti oo warrramayay wakaaladda wararka Itoobiya ee ENA.

Kabtan Gilbert Nitunga oo ah ku xigeenka afhayeenka ciidamada AMISOM ee ku sugan Soomaaliya ayaa isaguna sheegay in qorshahoodu yahay mid ay dalka oo dhan ugu baahinayaan ciidamadooda gaar ahaan magaalooyinka Balcad, Marka, Baraawe, deegaanada ka tirsan gobollada Bay iyo Bakool iyo gobolka.

Ciidamada Burundi iyo Uganda ka socda ayaa waxaa qaarkood loo qoondeeyay inay ka howlgalaan gobollada Bay iyo Bakool oo galbeedka Soomaaliya ku yaalla iyadoo la filayo in ciidamada Jabuuti ay ka howlgalaan gobolka Hiiraan, halka kuwa ka socda Sierra Leone iyo Kenyana la filayo inay ka howlgalaan gobollada Jubbooyinka iyo Gedo.

Saraakiisha ciidamada AMISOM ayaa qorsheynaya inay la wareegaan inta badan gobollada dalka Soomaaliya inta aan la gaarin bisha Ogoosto ee sannadkan, iyadoo Kenya ay sheegtay inay Kismaayo qabsanayso ka hor bisha Ogoosto oo ay uu ku eg-yahay xilliga dowladda KMG ah ay shaqeynayso.

Maxmaed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya







Click here
6/1/2012 8:02 AM EST
Jimco, June 01, 2012(HOL): Waxaa maanta xaaladda deganaan ah laga dareemayaa magaalada Afmadow oo ay shalay la wareegeen ciidmaada dowladda KMG, Raaskaambooni iyo Militariga Kenya oo iskaashanaya, kadib markii ay isaga baxeen xoogagga Al-shabaab oo iyagu in mudo ah gacanta ku hayay degmadaasi.

6/1/2012 7:59 AM EST
Ururka Ahlu Sunna Waljamaaca oo ka taliya qaybo kamid ah deegaannada gobollada dhexe ayaa kasoo horjeestay shirka dhinacyada Soomaalida iyo beesha caalamka uga soconaya magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga.

6/1/2012 7:39 AM EST
Jimco, Jun, 01, 2012 (HOL) – Waxaa maanta ka degay garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee magaalada Beledweyne cutubkii ugu horeeyay ciidamo ka soda dowladda Jabuuti kuwaasoo qeyb ka noqon doona howlgalka midowgga Africa ‘’AMISOM’’ ee dalka Soomaliya.

6/1/2012 5:18 AM EST
Jimco, June 01, 2012 (HOL) — Afhayeenka Xarakada Al-Shabaab, Sheekh Cali Maxamuud Raage (Sheekh Cali Dheere) ayaa sheegay in qabsashadii degmada Afgooye ee gobolka Shabellaha Hoose ay ku timid isbaysi uu sheegay inay ku doonayaan dalalka masiixiyiinta ah inay ku qabsadaan dhulka muslimiinta.

6/1/2012 4:55 AM EST
Jimco, June 01, 2012 (HOL) — Shirka Soomaalida ee dalka Turkiga ka socda oo maanta galay maalintiisii labaad ayaa looga hadlayaa arrimaha siyaasadda iyadoo lagu soo qaadi doono Roadmap-ka, waxaana shirka isaga baxay ergadii ka socotay Somaliland.