4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 2 , 2012
Minnesota oo laga xusay 1-da July (SAWIRRO)


Isniin, July 02, 2012(HOL): Munaasibad lagu xusayay 1-da July oo ah maalintii ay Soomaaliya xornimada qaadatay, isla markaasina  ay israaceen gobolada koonfurta iyo waqooyiga Soomaaliya, ayaa lagu qabtay magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota oo ah halka ay Soomaalidu u badan tahay wadanka Mareykanka.

 Munaasibadda dabaaldegga oo ka dhacday bartamaha wado dheer oo dhexmarta magaalada Minneapolis, ayaa waxaa isugu soo ururay dadweyne aad u fara badan oo ka kala yimid degmooyinka kala duwan ee gobolka Minnesota.

Dadka dabaaldegayey, oo intooda badan muuqaalka ay ka sinaayeen uu ahaa midabka buuluga iyo cadaanka isugu jira ee calanka Soomaaliya, oo qaarkood ay luxayeen, halka qaar kalana ay dhar ahaan u soo xirteen, ayaa waxaa la hadlay aqoonyahano, waxgarad iyo siyaasiin isugu jira Soomaali iyo kuwo ka tirsan dowladda Mareykanka, kuwaasi oo dhammaantood ka sheekeeyey qiimaha ay bulsho waliba ay u leedahay maalintooda xornimada, iyo sida loogu baahan in maalintaan la weyneeyo.

Saciid faahiye, oo ah gudoomiyaha ururka isku’taga jaaliyada Soomaaliyeed ee gobolka Minnesota oo ugu horreyn ka hadlay madasha, ayaa sheegay in maalimtaan xornimadu ay tahay maalin ku weyn ummadda Soomaaliyeed oo ay u dabaaldegaan, taasina ay ka qeybqaadayaan Soomaalida Minnesota.


“Maanta waxaa halkaan isugu kaaya keenay in aan xusno maalinta xornimadeena oo ah maalin dhammaanteen, nagu weyn, waxaanse Illaahay ka baryeynaa in uu wadankeena nabad nooga dhigo,”  ayuu yiri Saciid Faahiye.

Saadiq Warfaa, oo isuguna ah nin u dhaqdhaqaaqa Soomaalida gobolka Minnesota, kana mid ahaa shaqsiyaadkii goobtaan ka hadlay, ayaa sheegay in maalintaan xornimada ay dad badani ku bixiyeen dhiig iyo maal, islamarkaasna looga baahan yahay bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan dhalinyaradu in ay ka qeybqaataan sidii loo soo celin lahaa qarannimo iyo ammaan dhab ah oo Soomaaliya ka hirgala.

Prof. Axmed Maxamed Qaadi, oo ka mid ah aqoonyahanada Soomaaliyeed meesha ka hadlay ayaa ka sheekeeyey ahmiyada ay maalinta xornimada Sooomaliya leedahay iyo sidii bulshada Soomaaliyeed ay isugu tiirsanayd maalintii xornimada la qaadayey.


“Xisbigiii Leegada iyo dadkii kala soo shaqeeyey dhalinta xornimadu waqti badan ayey galiyeen maalintaan, idinkana waxaa la idin kaga baahan yahay in iinaan marnaba illoobin ahmiyada maalintaan ay leedahay,” ayuu yiri Axmed Maxamed Qaadi.

“Waxaan ku faraxsanahay in aan maanta ka qeybqaato dagaaldega xornimadeena, waana maalin nagu weyn dhammaanteen haddii aan nahay Soomaali, waxaase loo baahan yahay in aan dhammaanteen sidaan oo kale ka wada shaqeyno sidii aan wadankeena nabad uga dhigi lahayn,” sidaasi waxaa yiri isaguna goobta ka Maxamed Guuleed, oo madax ka ah shirkad ganacsi oo lagu magacaabo Daa’us, oo iyadu munaasibadaan dagaaldaga maalgalisay.

Munaasibadaan oo abaabulka iyo isku dubbaridkeeda ay waqti iyo maal badan galiyeen dhalinyaro Soomaaliyeed oo wadaniyiin ah, ayaa lagu tilmaamay in ahayd middii ugu horaysay oo soo jiidatay indhaha kumanaan ruux, islamarkaasina loogu dabaaldegayo xornimo Soomaaliyeed oo lagu qabto gobolka Minnesota, iyadoona lagu soo bandhigayay xoolo nool sida geel, goob ay ubudku ku ciyaaraan xiligooda damaashaadka,  ciyaaro dhaqameed, sugaan isugu jirtay gabayo, dhaanto iyo waliba heeso wadani u badnaa oo ay goobta ka qaadayeen kooxo fanaaniin ah.









Maxamed Faarax Talyaani, Hiiraan Online
[email protected]
Minnesota, Minneapolisa