Isniin, July 02, 2012 (HOL) — Danjirihii Mareykanka ee dalka Itoobiya, David Shinn ahna siyaasi ka faallooda arrimaha siyaasadda geeska Afrika ayaa soo dhaweeyay wadahadallada u billowday Soomaaliya iyo Somaliland, isagoo ku tilmaamay kuwo meesha ka saari kara khilaafkii labada dhinac u dhexeeyay.
Kulanka madaxweynaha Soomaaliya iyo madaxweynaha Somaliland ee ka dhacay magaalada Dubai ayuu ku tilmaamay mid horumar ah, isagoo ku boorriyay madaxda Soomaalida inay kulammada sii wadaan.
“Waxaan soo dhawaynayaa kulankii dhexmaray Seekh Shariiif iyo Axmed Siilaanyo ee ka dhacay magaalada Dubai, wadahadaladaas waxay meesha ka saarayaan is-faham la’aantii mudada dheer ka dhaxeysay labada dhinac,” ayuu yiri David Shinn.
Kulammada Soomaaliya iyo Somaliland ayaa waxay qayb ka ahaayeen qodobbadii kasoo baxay shirkii London lagu qabtay bishii Feberaayo ee sannadkan, waxaana labadii ergo ee kala matalaysay labada dhinac ay bishii hore ku kulmeen duleedka London.
“Haddii aan dareykeyga ka hadlo wadahadalka Somaliland iyo Soomaaliya waxay xal u noqonayaan inay labada dhinac kasoo dabcaa halkii ay markii hore kala joogeen, waxaana xusid mudan in Soomaaliya ay muddo dheer ka jireen dagaallo iyo xasilooni-darro, Somalilandna indho-gooniya ayay ku eegaysaa wadhadalladan si ay dowladda dambe ee bedelaysa midad hadda jirta ula sii waddo wadahadalladan," ayuu yiir David Shinn.
Ugu dambeyn, danjire Shinn oo wareysi siinayay telefishinka afka Soomaaliga ku hadla ee Horn-Cabel ayaa la weydiiyay sababta Maraykanku uu u dhiirri-gelin la'a yahay in Somaliland ay aqoonsi hesho ayuu wuxuu kaga jawaabay in aqoonsiga Somaliland uu yahay mid u yaalla Ururka Midowga Afrika, Mareykankuna uusan awood u lahayn inuu aqoosi siiyo.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
Danjire David Shinn: "Wadahadalada Soomaaliya iyo Somaliland waxay meesha ka saarayaan is-faham la'aantii mudada dheer jirtay"
More News
- Abwaan Mustafa Shiikh Cilmi oo buug uu qoray ku soo bandhigay Sweden
- Minnesota oo laga xusay 1-da July (SAWIRRO)
- Shirkii Kooxda Xariirka Caalamiga ah oo Roma ka furmay
- Farmaajo oo dadweynaha xaafada Eastleigh meel fagaare ah khudbad uga jeediyay (SAWIRRO)
- Maydadka Haween la dilay oo DKMG ay dilkooda ku eedeysay Al-shabaab oo maanta laga helay Degmada Dayniile
- Dowladda KMG, Puntland iyo Mareykanka oo cambaareeyay Weeraradii Gaarisa iyo Afduubyada Shaqaalaha Gargaarka
- Siminaar looga hadlayay Kaalinta Haweenku ka qaadan karaan Horumarinta Nabadda oo lagu qabtay Muqdisho
- Xaflad loogu gogol-xaarayay Murashaxnimada Ra'iisul Wasaaraha Dowladda KMG ah ee Soomaaliya oo lagu qabtay Toronto
- Musharax C/raxmaan C/shakuur: "Wadahadalada Soomaaliya iyo Somaliland waa ka weyn yihiin in Olole doorasho loo isticmaalo"
- Dagaal khasaare geystay oo Ciidamada DKMG, kuwa Itoobiya iyo Xoogaga Al-shabaab ku dhexmaray duleedka Degmada Xudur
- Ciidamada DKMG iyo kuwa Kenya oo sheegay inay howgal xalay dhacay ku soo furteen Samafalayaal laga Afduubay Dhadhaab
- Shir lagu horumarinayo Duulista Hawada Soomaaliya oo lagu qabtay Magaalada Montreal ee dalka Kanada