
Isniin, July 02, 2012 (HOL) - Isagoo dhawaananba ku sugnaa magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ayaa ra'iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo uu kumannaan dadweyne ah kula hadlay xaafada Easleigh ee Soomaalidu ka dagantahay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya .
Dadweynahan oo isugu soo baxay dabaal dagyada 1-da Luuliyo ayaa sitay calanka Soomaaliya, iyagoo qaarkoodna ay ku soo xardheen midabka calanka wajiyadooda iyo qaybaha kale ee jirkooda.
Maxamed C/laahi Farmaajo oo ah xoghaya guud ee xisbiga TAYO ayaa ugu hambalyeeyay Soomaalida munaasabada 1-da Luuliyo oo ah markii ay Soomaaliya xorriyadeeda qaadatay.
Farmaajo ayaa ugu baaqay dhalinyarada Soomaaliyeed inay qaataan door lamid ah kii SYL ay ka ciyaartay xorriyad u dirirkii dalka.

Waxaa uu uga digay Soomaalida kala qaybsanaanta, isagoo sheegay in awoodeenu ay ku jirto midnamadeena.
Dadweynahan oo isugu soo baxay barxad weyn oo ku
taalla xaafadda islii ee ay Soomaalida ugu badan kaga nooshahay
caasimadda Nairobi ayaa waxaa kasoo qeyb galay siyaasiyiin, ganacsato,
odayaal, dhalinyaro iyo haween, waxaana soo qaban qaabiyay dhalinyarada
fanaaniinta Waayaha cusub.





Axmed C/samad, Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi , Kenya