4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 2 , 2012
Xaflad loogu gogol-xaarayay Murashaxnimada Ra'iisul Wasaaraha Dowladda KMG ah ee Soomaaliya oo lagu qabtay Toronto

GAAS5.jpg

Isniin, July 02, 2012 (HOL) — Magaalada Toronto ee dalka Kanada ayaa waxaa lagu qabtay xaflad ballaaran oo lagu taageerayay murashaxnimada ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, C/weli Maxamed Cali Gaas isla markaana lagu taageerayay waxqabadka xukuumaddiisa muddadii halka sano ahayd ee ay shaqeynaysay.

Xafladdan oo ay soo qaban-qaabiyeen qaar ka mid jaaliyadda Soomaaliyeed ee magaalada Toronto ayaa codsi u gudbiyey ay ku dalbanayaan in  Ra'iisul Wasaaraha DKMG ah Cabdiwali Maxamed Cali Gaas uu isu soo taago jagada Madaxweynenimada dalka Soomaaliya. Waxayna dadweynihii xafladdaas ka qaybgalay ka codsadeen ra'iisul wasaaraha Soomaaliya inuu si caddaalad ah ku hoggaamiyo ummadda Soomalaiyeed.

Marwada ra'iisul wasaaraha Soomaaliya Ra'iisul Wasaaraha DKMG ah ee Somalia Hodan Ciise oo halkaas ka hadashay  ayaa ballanqaaday in la aqbalay codsiga dadweynaha Soomaaliyeed ee Toronto oo ku wajahan ra'iisul wasaaraha DKMG ah, kaasoo ah in dalka lagu hoggaamiyo cadaalad iyo sinnaan.

GAAS.jpg

Sidoo kale, xafladda waxaa ka hadlay xubno ay mid ahaayeen: Cabdirisaaq Cumar Warsame, Sahro Xaaji Xasan, Inj. Siciid Dhafuuje iyo guddoomiye ku xigeenka K/cagta Soomaaliya, C/rashiid Xasan Xirsi (Bakiin).

Inkastoo ra'iisul wasaaruhu uusan weli ku dhawaaqin inuu yahay murashax u taagan xilka madaxnimo ee Soomaaliya, ayaa haddana xafladdan waxay kusoo beegmaysaa xilli uu ra'iisul wasaaruhu safar ku marayo dalal ka mid ah kuwa bariga Afrika.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa toddobaadyo ka hor ku dhawaaqay inuu yahay murashax u taagan xilka madaxnimo ee Soomaaliya, isagoo sheegay in haddii uu ku guuleysto uu ka shaqeyn doono horumarinta dalka iyo soo celinta ammaanka.

Xubnaha doonaya inay xilka madaxnimo ee Soomaaliya qabtaan ayaa aad u soo kordhaya iyadoo toddobaadyadii ugu dambeysay ay Muqdisho ka dhacayeen kulammo ay isku soo sharraxayaan murashaxiinta doonaya inay tartanka madaxnimo ka qaybgalaan bisha Ogoosto ee sannadkan.

GAAS2.jpg
GAAS3.jpg
GAAS4.jpg

Mahad Carabow Cali
[email protected]
Toronto, Canada