Saraakiisha haya'dda SADO ayaa sheegay in howshan ay tahay mid nadaafadda iyo bilicda magaalada lagu soo celinayo, iyagoo sheegay in howshan ay socon doonto inta magaalada laga nadiifinayo qashinka faraha badan ee dhex ceegaaga.
Xaawo Maxamed oo ka mid ah hooyooyinka ku dhaqan xaafada Musawa ee ka mid ah xaafadaha degmada Baardheere ayaa sheegtay in howshan ay tahay mid si aad ah uga socota xaafadooda, waxayna sheegtay inay dareemeen nafis weyn marka loo eego qashinkii xaafadda dhex oolli jirtay.
Goobaha howshan nadaafadeed laga fulinayo ayaa waxaa ka mid ah: suuqyada, hareeha webiga, goobaha caafimaadka, goobaha waxbarashada, wadooyinka, goobaha baabuurta lagu dhaqo iyo goobaha ganacsiga.
Ma ahan markii ugu horreysay oo hay'adda SADO ay olole nadaafadeed oo noocan oo kale ah ka fuliso deegaanka, balse tallaabadani ayaa waxay kusoo beegmaysaa xilli dadweynahu ay baahi weyn u qabeen in laga saacido adeegyo ay ka mid yihiin nadaafadda.
Dhinaca kale, hay’adda SADO ayaa dhawaan soo gabagabeysay raashin gargaar ah oo ay ka bixinaysay tuulooyinka hoosyimaado degmada Baardheere, kuwaasoo isugu jira noocyada kala duwan ee quutul daruuriga.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya