Arbaco, December 26, 2012 (HOL) — Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo dib ugu soo laabtay Muqdisho kaddib safarro uu ku tagay dallaka Kenya iyo Uganda ayaa sheegay in madaxda Kenya ay kala hadleen ilaalinta dadka Soomaaliyeed iyo hantidooda.
Xasan Sheekh ayaa sheegay in madaxda Kenya ay aqbaleen inay ilaaliyaan hantida iyo dadka Soomaaliyeed ee ku nool Nairobi, ayna joogitaankooda Kenya waafajiyaan sida uu qabo sharciga dalkaas.
“Madaxda Kenya waxaan kala hadalnay sidii lagu ilaalin lahaa dadka Soomaaliyeed ee ku nool Nairobi iyo hantidooda, iyaguna way naga aqbaleen,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.
Sidoo kale, madaxweynuhu wuxuu sheegay in sidoo kale ay madaxda Kenya u sheegeen in dowladda Soomaaliya uu waajib ka saaran yahay ilaalinta hantida Soomaalida ee taalla Nairobi, maadaama ay tahay hanti ay leeyihiin dadka Soomaaliyeed.
Dalka Kenya ayaa waxaa dhawaanahan ka socday howlgallo ay ciidamada Kenya ku qabqabanayaan Soomaalida aan sharciga lahayn ee ku sugan Nairobi, gaar ahaan xaafadda Islii oo ay degto Soomaalida, halkaasoo ay qaraxyo ka dhacayeen bilihii ugu dambeeyay.
Hadalka madaxweynaha Soomaaliya ayaa wuxuu kusoo beegmayaa xilli ay dowladda Kenya soo saartay amar ay dadka Soomaalida ah ku siinayso inay dih ugu laabtaan xeryaha qoxootiga ee Dhadhaab halkaasoo ay ka jiro amni-darro xooggan.
Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ayaa safarro kusoo maray dalalka Kenya iyo Uganda oo ay ciidammo ka joogaan Soomaaliya, waxayna halkaas kula kulmeen dadka Soomaaliyeed eek u nool iyagoo ka dalbaday inay dhaqaale ku taageeraan dowladda.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH: “Madaxda dalka Kenya waxaan kala hadalnay Ilaalinta Dadka Soomaaliyeed iyo Hantidooda”
More News
- Hay’adda Samafalka ee SADO oo Magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo ka wada howlo Nadaafadeed
- Warbixin ku saabsan Tirada Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee Sannadkan 2012 lagu dilay dalka Koonfur Afrika
- Saraakiisha Maamulka Gobolka Hiiraan iyo AMISOM oo ku Wargaliyay dadka deggen Xeryihii hore ee Ciidamada inay isaga guuraan
- Baarlamaanka Somalia oo diiday Meel-Marinta Miisaaniyadda ay Sannadka soo socda 2013 ku shaqeyso Xukuumadda Soomaaliya
- Maamulka Gobolka Bay ee Dowladda Soomaaliya oo Xabsiga Baydhabo kasii daayay Sakaal u shaqeynayay Hay'adda FAO
- Booliiska Somalia iyo Booliiska AMISOM oo Muqdisho ka sameeyay howl-gallo lagu qabqabtay kooxo hubeysan
- Guddiga Diiwaan-gelinta oo ku dhawaaqay Xisbiyadii Qaran ee u soo gudbay Xisbinimo iyo kuwii tartanka ku haray
- Wasiirka Maaliyadda Somaliland oo Golaha Wakiiladda Faahfaahin ka siiyay Miisaaniyadda Sanadkan oo ka badan tii sannadkii hore
- Booliska Kenya oo baaritaanno kawada Xaafadda Islii ee Nairobi iyo Somalida Qoxootiga ah oo billaabay in ay halkaas ka guuraan
- Dowladda Soomaaliya oo sheegtay inay cafis u fidinayso dagaalyahannada kasoo goosta Xarakada Al-shabaab