Arbaco, December 26, 2012 (HOL) — Saraakiisha maamulka gobollka Hiiraan iyo kuwa Jabuuti ee howlgalka midowgga Africa ayaa ugu baaqay in ay sida ugu dhaqsiyaha badan uga guuraan dadka degan xeriyihii hore ee militariga magaalada Baladweyne.
Taliyaha ciidamada maamulka gobollka Hiiraan Col Towane Axmed Gurey oo warbaahinta la hadllay ayaa sheegay in dadka degan xeryaha ciidamada gaar ahaan xaradihii hore ee Lama-galaay wax yar uu ka dhiman tahay waqtigii loo qabtay, sidaa daraadeed loo baahan yahay dadka degan isaga baxaan.
"Horay ayaan ugu dignay dadka, dabcan waqtigii loo qabtay waa uu sii dhamanaayaa, sidaa daraadeed waxaa uu qorshuhu yahay marka uu dhamaado waqtiga ka dhiman xiliga loo qabtay dadka degan xeryaha maamulka howshiisa ayuu fushan doonaa oo ah in halkaa ciidamo la dajiyo,’’ ayuu yiri taliyaha ciidamada Towane Gurey.
Sidoo kale taliyaha ciidamada Jabuuti ee howlgalka midowgga Africa Col Cismaan Dubad ayaa sheegay in aysan suurtagal aheyn in ay meel kaliya wada deganaadaan ciidamo iyo dad shacab ah, loona baahan yahay in ay ciidamada helleen xeryo iyaga u gaar ah.
"Hadda ciidamada waa ay ku dhax jiraan xerada {Lama-galaay} sidaa daraadeed suurtagal ma’aha in ay si dhax degnaadaan ciidamada iyo dadka shacabka ah," ayuu yiri Col. Cismaan Dubad.
Warka ka soo baxay saraakiisha maamulka gobollka iyo kuwa AMISOM ayaa waxaa cabasho ka muujiyay qoysaska mudada dheer deganaa xerada Lama-galaay kuwaasoo sheegay in aysan garaneynin meel ay wajahaan.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Baladweyne, Soomaaliya
Saraakiisha Maamulka Gobolka Hiiraan iyo AMISOM oo ku Wargaliyay dadka deggen Xeryihii hore ee Ciidamada inay isaga guuraan
More News
- Hay’adda Samafalka ee SADO oo Magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo ka wada howlo Nadaafadeed
- Warbixin ku saabsan Tirada Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee Sannadkan 2012 lagu dilay dalka Koonfur Afrika
- Baarlamaanka Somalia oo diiday Meel-Marinta Miisaaniyadda ay Sannadka soo socda 2013 ku shaqeyso Xukuumadda Soomaaliya
- Maamulka Gobolka Bay ee Dowladda Soomaaliya oo Xabsiga Baydhabo kasii daayay Sakaal u shaqeynayay Hay'adda FAO
- Booliiska Somalia iyo Booliiska AMISOM oo Muqdisho ka sameeyay howl-gallo lagu qabqabtay kooxo hubeysan
- Guddiga Diiwaan-gelinta oo ku dhawaaqay Xisbiyadii Qaran ee u soo gudbay Xisbinimo iyo kuwii tartanka ku haray
- Wasiirka Maaliyadda Somaliland oo Golaha Wakiiladda Faahfaahin ka siiyay Miisaaniyadda Sanadkan oo ka badan tii sannadkii hore
- Booliska Kenya oo baaritaanno kawada Xaafadda Islii ee Nairobi iyo Somalida Qoxootiga ah oo billaabay in ay halkaas ka guuraan
- MADAXWEYNE XASAN SHEEKH: “Madaxda dalka Kenya waxaan kala hadalnay Ilaalinta Dadka Soomaaliyeed iyo Hantidooda”
- Dowladda Soomaaliya oo sheegtay inay cafis u fidinayso dagaalyahannada kasoo goosta Xarakada Al-shabaab