3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 6 , 2012
Guddida Doorashooyinka Somaliland oo ka digay inay doorashooyinka golaha deegaanku dib u dhacdo


Isniin, Ogoosto, 06, 2012 (HOL)-Guddidda Doorashooyinka Somaliland, ayaa maanta sheegay  in haddii aanay goleyaasha Sharci dejinta go’aankii ay qaateen ee ay ku diideen tallo soo jeedintoodii ka noqon aanay doorasho dhaci karin,  maadaama qaabka Baarlamaanku doonayaan iyo qaabka ay gudddi rabtaa aanay isla jaan qaadi Karin.

Guddidda ayaa tilmaamay in balaadhnimada iyo tirada badan ee musharaxiinta golaha deegaanku aanay suurtogal noqon Karin in lagu galo calaamado balse ay ku haboon tahay Lambaro la siiyo qofka musharaxa ah ee doorashada ka qaybgalaya.

Guddida ayaa sheegay in xeerar dabraya qabsoomida doorashooyinka ay keeneen goleyaasha Sharci dejinta, sidaa darteed codsaday in lagu tixgeliyo guddidu qaabka ay doonayaan inay doorashadu u dhacdo, maadaama oo ay u xilsaarin yihiin arrimaha doorashooyinka.

 “anagu waxaanu dadka wakiil uga nahay qaabka farsamo ee ay doorashooyinku u dhacayaan, goleyaasha Baarlamaanku waxay sameeyeen xeerar dabraya hawlahayga, madaxweynihii, ururaddii iyo xisbiyadii markiii aanu u sheegnayna way nagu raaceen qorshihii aanu wadnay, dabadeedna xeerkii baa dib loogu soo celiyey oo hadda waxa uu xeerkii yaalla miiskoodda  (Golaha Wakiiladda)”ayuu yidhi gudoomiyaha guddida Doorashooyinka Ciise  Yuusuf Xamari.


Guddoomiye Xamari Waxa uu u soo jeediyey Baarlamaanka in aanay dib u dhicin habsami u socodka doorashooyinka ay doonayaan inay sanadkan dalka ka dhacaan. “haddii ay ixitiraami waayaan daneeyeyaashii doorashada sida ay u suurogalayso waxa ay doonayaan ayaa ah in aanay doorasho dhicin ayaan odhan karaa, marka anagu qaab baanu soo jeedinay ay doorashadu ku dhici karto oo anagaa jecel in aanu qofna lumin codkiisu, dadkii tartamayeyna way nala qaateen, marka waa in hay’ad kasta lagu tixgeliyaa shaqadeeda iyo farsamadeedda, iyagu wixii xeerarkaasi kaga beegan uun ka hagaajiyaan”ayuu raaciyey gudoomiyuhu.

Si kastaba ha ahaatee, Khilaaf ayaa soo kala dhexgalay guddida Doorashooyinka iyo labadda gole Baarlamaan ee Somalialnd, kaas oo ku qotoma qaabka ay doorashadda u dhici doonto iyado la isku hayo lambar ha lagu galo iyo calaamad ha lagu galo, waxaana qaabkay rabeen guddidu ka hor yimid golaha Guurtida, waxa markii dambana cod ku taageeray golaha Wakiilada, taasina waxay keentay in labadda gole ka hor yimaadaan qaabkii guddidda doorashooyinka.


Haseyeeshee arrintani waxa soo kala dhexgalay madaxweynaha oo dib ugu soo celiyey xeerkii, iyadoo fadhi aan caadi ahayne la iskugu yeedhay golaha Wakiiladda, isla markaana dib u eegi doonna xeerkan si ay u ansixiyaan qaabka ay rabaan guddidu doorashooyinku, balse lama hubo inay sidii hore ka yeeli doonaan iyo inay u ansixin doonaan soo jeedinta guddida.


Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online 
[email protected]
Hargeysa, Somaliland













Click here
8/6/2012 7:11 PM EST
Talaado, August 07, 2012(HOL): Madaxii Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da Yuusuf Garaad Cumar Axmed ayaa shaaciyay in uu xilkaas iska casilay, isla markaana uu ka qeybqaadan doono xasilinta iyo dib u dhiska dalka Soomaaliya.

8/6/2012 8:32 AM EST
Isniin, Ogoosto 06, 2012(HOL) — Jen. Cabdi Xasan Cawaale (Qaydiid) oo toddobaadkii hore loo doortay madaxweynaha Galmudug ayaa maanta soo gaaray Muqdisho, isagoo sheegay inuu kulammo la yeelanayo madaxda DKMG ah ee Soomaaliya.

8/6/2012 8:16 AM EST
Isniin, Ogoosto 06, 2012(HOL) — Bannanaabax ay ka qaybgaleen dad aad fara badan laguna taageerayay sannadguuradii koowaad ee kasoo wareegtay markii Al-shabaab ay isaga baxday Muqdisho ayaa lagu qabtay maanta garoonka kubadda cagta ee Istaadiyum Koonis.

8/6/2012 7:58 AM EST
Isniin, Ogoosto 06, 2012(HOL) — Xiisado dagaal ayaa maanta laga dareemayaa degmooyinka Afmadow iyo Badhaadhe halkaasoo ay gacanta ku hayaan ciidamada dowladda KMG iyo kuwa Raaskaambooni oo garab ka helaya Militariga Kenya ee dhawaan ka mid noqday ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM.

8/6/2012 7:49 AM EST
Isniin, Ogoosto 06, 2012(HOL) — Magaala madaxda Puntland ee Garoowe waxaa saaka lagu diley xildhibaan ka tirsanaa golaha baarlamaanka, laguna magacaabi jirey Cabdiqaadir Sheekh Maxamuud (Shaybe).

8/6/2012 3:43 AM EST
Isniin, Ogoosto 06, 2012(HOL) — Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Jabuuti, Maxamuud Cali Yuusuf ayaa ku sheegay wareysi uu siiyay shabakad dalka Jabuuti laga leeyahay oo lagu magacaabo Djibouti's La Nation inay ka go'an tahay inay ka geystaan gacan buuxda nabad kusoo celinta Soomaaliya.

8/6/2012 3:29 AM EST
Isniin, Ogoosto 06, 2012(HOL) — Dagaalkan oo ahaa mid culus ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 10-qof oo labadii dhinac ee dagaalamay ka mid ah, iyadoo la sheegay in tiro intaas ka badan ay ku dhaawacmeen.