4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 6 , 2012
Jen. Cabdi Qaybdiid oo Muqdisho tagay, sheegayna inuu wadahadallo la yeelanayo madaxda Dowladda KMG ah
Isniin, Ogoosto 06, 2012(HOL) —  Jen. Cabdi Xasan Cawaale (Qaydiid) oo toddobaadkii hore loo doortay madaxweynaha Galmudug ayaa maanta soo gaaray Muqdisho, isagoo sheegay inuu kulammo la yeelanayo madaxda DKMG ah ee Soomaaliya.

Jen. Qaybdiid oo saxaafada la hadlay markii uu Muqdisho soo gaaray ayaa sheegay in maamulkiisa ay ka go'an tahay inuu qayb ka qaato dagaalka lagula jiro Al-shabaab oo weli ka talisa deegaanno badan oo ku yaalla Soomaaliya.

"Waxaan doonayaa inaan madaxda DKMG ah wadahadallo la yeesho, waxaana kala hadli doonaa sidii la isaga kaashan lahaa nabad kusoo celinta Soomaaliya," ayuu yiri Jen. Cabdi Qaybiid oo ka hadlayay kulan lagu soo dhaweeyay oo ka dhacay hoteelka Saxafi ee Muqdisho.

Mar uu ka hadlay qorshihiisa waxqabad ayuu sheegay inay ka go'an tahay inuu wax ka qabto deegaanada Galmudug iyo kuwa xiriirka la leh, goobahaasoo uu sheegay inay saldhigyo ku leedahay Al-shabaab.

"Anigu waxaan qabaa in Al-shabaab lala dagaalamo, waayo waa koox aan naxariis u hayn shacabka Soomaaliyeed," ayuu yiri Jen. Qaybdiid oo weli ay doorashadiisu muran ku jirto.

Madaxweynihii hore ee Galmudug, Col. Maxamed Axmed Caalin oo weli ku sugan magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa ku adkeysanaya inuu yahay madaxweynaha rasmiga ah ee Galmudug, isagoo dalbadya in la furo wadahadallo lagu dhameynayo xiisadaha taagan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya