4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 6 , 2012
Bannaanbax lagu taageerayay Markii Al-shabaab ay ka baxday Gobolka Banaadir oo Muqdisho ka dhacay

Isniin, Ogoosto 06, 2012(HOL) —  Bannanaabax ay ka qaybgaleen dad aad fara badan laguna taageerayay sannadguuradii koowaad ee kasoo wareegtay markii Al-shabaab ay isaga baxday Muqdisho ayaa lagu qabtay maanta garoonka kubadda cagta ee Istaadiyum Koonis.

Madaxweynaha Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed, wasiirrada DKMG ah qaarkood iyo maamulka gobolka Banaadir ayaa hadallo ka jeediyay kulanka iyagoo sheegay inay maanta tahay maalin lagu farxo.

"Waa maalin xusid mudan maanta, waayo waa maalintii ay shacabka Somaaliyeed xaqiiqsadeen inay iska dhicin karaan Al-shabaab," ayuu yiri madaxweyne Shariif Sheekh oo sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay in sannad ka hor ay dowladdu howlo badan qabatay.

Madaxweynuhu wuxuu sheegay in ciidamada AMISOM ay ku lahaayeen qayb weyn in Al-shabaab ay isaga baxaan degmooyinkii ay kaga sugnaayeen caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Al-shabaab ayaa 06-dii Ogoosto, 2011 markii xoogagga Al-shabaab ka baxeen Muqdisho iyagoo sheegay inay bedeleen xeeladii dagaal ee ay kula jireen dowladda iyo ciidamada AMISOM oo degmooyin Muqdisho ka tirsan ka qabsaday Al-shabaab.


"Waxaa jira degmooyin iyo gobollo dalka ka tirsan oo weli ay Al-shabaab ku sugan tahay, waxaan shacabka Soomaaliyeed iyo beesha caalamka ka codsanaynaa inay gacan ka geystaan sidii looga saari lahaa," ayuu yiri Shariif Sheekh.

Sidoo kale, wasiirrada arrimaha gudaha iyo gaashaandhigga DKMG ah ee Soomaaliya oo iyaguna dibadbaxa ka hadlay ayaa sheegay in bixitaankii Al-shabaab uu ku yimid awood ay adeegsadeen ciidmada dowladda KMG ah iyo AMISOM oo caawinaya.

Dibadbaxayaasha ayaa ku qaylinayay erayo ay ku taageerayaan DKMG ah ee Soomaaliya, iyadoo garoonka lagu xardhay sawirrada Shariif Sheekh Axmed oo u taagan inuu u tartamo xilka madaxweynenimo ee dalka Soomaaliya.

Magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya oo ay ka taliso DKMG ah ayaa haddana waxaa weli ka dhaca qaraxyo, iska-horimaadyo iyo dilal qorsheysa oo ay fuliyaan xoogag taageersan Al-shabaab.










Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya