3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 6 , 2012
Kooxo hubeysan oo Xildhibaan ka tirsanaa Baarlamaanka Puntland ku dilay Magaalada Garoowe ee Gobolka Nugaal
Isniin, Ogoosto 06, 2012(HOL) —  Magaala madaxda Puntland ee Garoowe waxaa saaka lagu diley xildhibaan ka tirsanaa golaha baarlamaanka, laguna magacaabi jirey Cabdiqaadir Sheekh Maxamuud (Shaybe).


Xildhibaanka ayaa la toogtey xilli uu kasoo baxayey masjidka (Al-huda), oo ku dhow gurigiisa oo ku yaal xaafadda 1-da August, xiligaas oo ahaa waxyar kadib markii salaadda subax laga soo baxay.

Rag baaskoolado ku hubeysnaa oo aan ilaa hadda haybtooda la aqoonsan ayaa la sheegay in ay falkaas geysteen, iyagoo durbadiina goobta ka baxsaday.

Laamaha amaanka ayaa waxyar kadib goobta soo gaarey, waxayna saameeyeen baaritaan kooban oo lagu raad goobayo dadkii dilka xildhibaanka ka danbeeyey, inkasta oo aysan ku guuleysan in ay cidna falkaas usoo qabtaan.

Saraakiil ka tirsan Booliska oo HOL si kooban ula hadlay ayaa sheegay in weli uu baaritaan xoogani socdo, islamarkaana aan laga hordhici karin ilaa iyo inta wax natiijo ah laga gaarayo.

Xildhibaan Cabdiqaadir Sheekh Maxamuud (Shaybe) oo mudo dheer ku jirey baarlamaanka, kana mid ahaa xubnaha ugu firfircoon, waxaa la filayaa in gelinka danbe ee maanta lagu aaso Garoowe.

Dilalka qorsheysan ayaa ah kuwo aan horay magaalada Garoowe looga baran, wuxuuna dilka xildhibaan Shaybe kusoo beegmayaa bil kadib markii sidan oo kale loo toogtey taliye ku-xigeenkii 2aad ee Booliska Puntland.

Maxamed S. Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya












Click here
8/6/2012 7:11 PM EST
Talaado, August 07, 2012(HOL): Madaxii Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da Yuusuf Garaad Cumar Axmed ayaa shaaciyay in uu xilkaas iska casilay, isla markaana uu ka qeybqaadan doono xasilinta iyo dib u dhiska dalka Soomaaliya.

8/6/2012 2:15 PM EST
Guddida Doorashooyinka Somaliland oo ka digay inay doorashooyinka golaha deegaanku dib u dhacdo.

8/6/2012 8:32 AM EST
Isniin, Ogoosto 06, 2012(HOL) — Jen. Cabdi Xasan Cawaale (Qaydiid) oo toddobaadkii hore loo doortay madaxweynaha Galmudug ayaa maanta soo gaaray Muqdisho, isagoo sheegay inuu kulammo la yeelanayo madaxda DKMG ah ee Soomaaliya.

8/6/2012 8:16 AM EST
Isniin, Ogoosto 06, 2012(HOL) — Bannanaabax ay ka qaybgaleen dad aad fara badan laguna taageerayay sannadguuradii koowaad ee kasoo wareegtay markii Al-shabaab ay isaga baxday Muqdisho ayaa lagu qabtay maanta garoonka kubadda cagta ee Istaadiyum Koonis.

8/6/2012 7:58 AM EST
Isniin, Ogoosto 06, 2012(HOL) — Xiisado dagaal ayaa maanta laga dareemayaa degmooyinka Afmadow iyo Badhaadhe halkaasoo ay gacanta ku hayaan ciidamada dowladda KMG iyo kuwa Raaskaambooni oo garab ka helaya Militariga Kenya ee dhawaan ka mid noqday ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM.

8/6/2012 3:43 AM EST
Isniin, Ogoosto 06, 2012(HOL) — Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Jabuuti, Maxamuud Cali Yuusuf ayaa ku sheegay wareysi uu siiyay shabakad dalka Jabuuti laga leeyahay oo lagu magacaabo Djibouti's La Nation inay ka go'an tahay inay ka geystaan gacan buuxda nabad kusoo celinta Soomaaliya.

8/6/2012 3:29 AM EST
Isniin, Ogoosto 06, 2012(HOL) — Dagaalkan oo ahaa mid culus ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 10-qof oo labadii dhinac ee dagaalamay ka mid ah, iyadoo la sheegay in tiro intaas ka badan ay ku dhaawacmeen.