4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 24, 2012
Arday wax ka barata Jaamacadaha Soomaaliland oo qalab guddoonsiisay Jaamacada Hiiraan University


Jimco, Ogoosto, 24, 2012 (HOL ) – Ardayda wax ka barata Jaamacadaha ku yaala Soomaaliland hasse ahaatee ka soo jeeda gobollka Hiiraan ayaa markii ugu horeysay waxaa ay qalab wax barasho guddoonsiiyeen Jaamacada Hiiraan University ee magaalada Baladweyne.

Munaasabad lagu qabtay magaalada Baladweyne ayaa lagu amaanay ardayda taageerada ay u fidiyeen Jaamacada, waxaana ka qeyb-galay munaasabada maamulka Jaamacada Hiiraan University iyo maamulayaasha qaar ka mid ah dugsiyada sare ee  ku yaala magaalada Baladweyne.

C/fitaax Olal Cabdi oo ah guddoomiyaha Urur ay ku mideysan yihiin ardayda Jaamacadaha ka dhigata Soomaalilland  ‘’HISDA’’ oo  HOL u waramay ayaa sheegay talaabada ay ku caawinayaan Jaamacada Hiiraan University tahay go'aan ay si wada jir ah u qaateen ardeyda ku mideysan ururka, maadaama ayuu yiri ay hadda Jaamacadu u muuqato mid hormar badan sameyneysa.

‘’Inkastoo aan hadda wax ka barano Soomaaliland, micnuhu ma’aha aan ka war qabin dhaq-dhaqaaqa waxbarasho ee ka socda gobollka, gaar ahaan Jaamacada Hiiraan University oo ay hadda wax ka bartaan tiro arday ah oo ka soo baxday dugsiyada sare ee magaalada Baladweyne,’’ ayuu yiri,’’ C/fitaax Olal Cabdi.

Maamulka Jaamacada Hiiraan University Cismaan Max’ed Cilmi  Caato oo ka hadllay munaasabada ayaa soo dhaweeyay talaabada ay qaadeen ardayda wax ka barata Soomaaliland, isaga oo sheegay in qalabka ay ugu deeqeen Jaamacada yihiin kuwo muhiim ah.

‘’Waa qeyb hormarka ka mid ah ayaa la oran karaa in arday wali waxbarasho ku jirta ku fikiraan in ay caawiyaan Jaamacada, waxaan ku maaneynaa fikikooda wanaagsan, waxaana leenahay waa in ku deydaa ardayda kale ayuu yiri,’’ maamulka Jaamacada Hiiraan University.


Guddoomiyaha Ururka HISDA ayaa sheegay in deeqdan ay soo gaarsiiyeen Jaamacada oo kooban Sabuurado, Borajagtar, iyo agab kale oo aan looga maarin waxbarashada  ku soo  iibiyeen dhaqaalle ay iska soo ururiyeen iyadoo aysan jirin cid kale oo ka caawisay, waxaana uu intaa ku darray in sababta ay sidaa u sameeyeen tahay in ay dhiiri-galiyaan ardayda wax ku baraneysa gudaha gobollka.

‘’Qorshaheenu ma’aha mid intan ku siman, sidoo kale waxaan ku tala jirnaa in aan Buugaag iyo agab kale ugu deeqno Jaamacada,’ ayuu yiri,’’ guddoomiyaha Ururka HISDA.

Waxaa uu baaq guud u dirray shirkada ka howl-gala gobollka iyo Jaaliyadaha dibada in ay gacan ka geystaan sida uu sheegay tartan aqoon ay doonayaan in ay u qabtaan ardayda wax ka barta Jaamacadaha iyo dugsiyada ku yaala magaalada Baladweyne.


Magaalada Baladweyne waxaa ku yaala ilaa sadax Jaamacadood oo kala ah Hiiraan University, Baladweyne University iyo Palasma University, sidoo kalana waxaa ka furman magaalada Machadyo iyo waliba dugsiyo sare oo ay wax ka bartaan Kumannaan arday ah.


C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Baladweyne, Soomaaliya.