Jimco, Ogoosto 24, 2012 (HOL) — Eeyo qaba cudurka raabiyada ayaa dad ka badan 10-qof ku dhaawacay deegaanka Buulo-mareer ee gobolka Shabellada hoose sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ah oo ku sugan deegaankaas, waxaana dadka ay soo gaareen dhaawacyada qaarkood la sheegay inay aad ula xanuunsanayaan dhaawacyadii gaaray.
Dhakhtar ku sugan Buulo-mareer ayaa saxaafadda u sheegay in eeyaha ay yihiin kuwo qaba cudurka raabiyada loo yaqaan oo ku dhaca maskaxda, isagoo sheegay in dadka dhaawacyada gaaray ay isugu jiraan qaybaha bulshada.
"Sideed qof oo ka mid ah dadka dhaawacyada ay gaareen ayaa xaaladdoodu aad u daran tahay, runtiina ma ahan markii ugu horreysay oo eeyo ay sidan oo kale u soo weeraraan dadka deegaankan ku nool," ayuu yiri dhaqtarka oo saxaafadda la hadlay.
Sidoo kale, dhaqtarku wuxuu sheegay in dadka deegaanku ay hub qaateen si ay isaga difaacaan weerarka eeyaha, wuxuuna sheegay in dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay ay socdeen weerarrada eeyuhu ay kusoo qaadayaan dadka iyo iska caabin ay dadku sameynayaan.
"Lama hayo dawooyin looga hortago cudurka, haddii aan si dhaqso ah loo helinna waxaa imaanaysa in dadku ay xaaladooda kasii darto," ayuu yiri dhaqtarka oo sheeagy in dadka dhaawacyada qaba aysan weli helin dawooyin ku filan, wuxuuna xusay in xayawaanka xanuunnadooda aanay jirin meelo lagu hubiyo.
Maamulka Al-shabaab ee gobolka Shabeellada hoose ayaan weli ka hadlin weerarka ay eeyahaas ku dhaawaceen dadka shacabka ah, iyadoo la sheegay inay eeyaha weerarka geystay ay ku sugan yihiin daafaha deegaankaas.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
Eeyo Cudurro halis ah qaba oo Dad shacab ah ku dhaawacay Deegaanka Buulo-Mareer ee Gobolka Shabeellada Hoose
More News
- Arday wax ka barata Jaamacadaha Soomaaliland oo qalab guddoonsiisay Jaamacada Hiiraan University
- Madaxweyne Shariif Sheekh oo la kulmay Odayaashii Dhaqanka ee soo xulay Xubnaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya
- Guddiga Doorashada Guddoonka Baarlamaanka oo sheegay in maanta ay ku eg-tahay Qabashad Araajida Murashaxiinta
- Kooxo Bastoolado ku hubeysan oo Xalay Macallin Dugsi ku dilay Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir
- Xukuumadda Itoobiya oo sheegtay in Maydka Ra'iisul Wasaarihii hore ee Itoobiya la Aasayo Toddobad kaddib
- Markab Shidaal Siday oo Xalay ku Gubtay Dekedda Magaalada Boosaaso ee Xarunta Ganacsiga Maamulka Puntland